Hirdanka Filibiin iyo Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha oo xawli ku socda

0
187

Iska horimaadka u dhexeeya Filibiin iyo Shiinaha oo ku saabsan marinada badda Koonfurta Shiinaha ayaa socday tobanaan sano.

Laakiin bilihii ugu dambeeyay wax soo kordhay isbedel weyn. Waxa hadda soo if baxaya xasarado badan. Tani waa markii labaad ee toddobaadyo gudahood saxafiyiinta Filibiin ay filim ka duubaan kulan u dhow xeebta xasaasiga ah ee loo yaqaanno Second Thomas Shoal, Ayungin Shoal ama Ren Ai Reef.

Tani ma aha shil. Waa qayb ka mid ah siyaasad badheedh ah oo ay waddo xukuumadda Filibiin si ay tooshka ugu iftiimiso waxa ay ugu yeedhay “xoog wax ku doonka Shiinaha isla markaana ay u difaacato biyahay baddeeda.

“Waxay ila tahay in aanu aragnay isbeddel la taaban karo sanadkan”.

Dawladda Filibiin ayaa beryahanba qaadaysay saxafiyiin badan oo ay ku jirto BBC-da, kuwaas oo la socday doonyaheedii iyo diyaaradihii u socday biyaha lagu muransan yahay.

Waxaana looga jeedaa si loo muujiyo hawlgallada aaggan ee Shiinaha,” ayuu yidhi Col Powell oo ka tirsan Filibiin..

Manila waxay awooday in ay dhawr mar dib-u-soo-dejis ku samayso bar ay ku leedahay goobta lagu muransan yahay ee Thomas Shoal – halkaas oo uu Filibiin u joogo markab da’ ah oo jiray ilaa dagaalkii labaad ee aduunka oo la odhan jiray Sierra Madre.

Waxa uu halkaa taagnaa tan iyo sannadkii 1999kii. Ilaa wakhtigaas, qayb yar oo ka tirsan ciidamada badda ee Filibiin ayaa ku ilaalinayey dusha sare ee daxalka.

. Markii xidhiidhka Beijing iyo Manila uu ahaa mid wanaagsan Ilaalada xeebaha Shiinaha waxay oggolady in sahayda Sierra Madre ay sii socoto. Markii cilaaqaadku xumaaday, waxay u dhaqaaqeen inay xannibaan maraakiibta  Filibiin ee sahayda u wada markabkaa.

Laakiin qiimeynta guud ee Beijing ayaa ah in Sierra Madre uu meesha ka bixi doono, maadaama markabku uu ku dhibaataysan yahay badda.

Lixdii sano ee uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Filibiin Rodrigo Duterte xaalku wuu wanaagsanaa, Balse tan iyo markii la doortay madaxweyne Ferdinand Marcos Jr sannadkii hore, mar keliya ayuu xaalku is bedelay 180 digrii.

Madaxweyne Marcos wuxuu ka noqday siyaasadii Mr Duterte ee la jirtay Beijing, waxa uu si buuxda u aqbalay isbahaysiga Maraykanka, waxaana uu bilaabay in uu si weyn uga qayliyo duulaanka Shiinaha ee Manila ee 200-mayl-badeed ee Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah.

Sida ay sheegeen Ilo wareedyo ku sugan Manila markabkaa looma qaadi jirin cuntada iyo biyaha oo kaliya ee Filibiin ay u qaadi jirtay sidii loo dayactiri lahaa Sierra Madre waxay u rartay agabka dhismaha oo ay ka mid yihiin sibidh iyo qalab kale. Ujeeddadu waa: in la adkeeyo markabka daxalaystay.

“Aad bay u adag tahay in la arko sida loo sii dheerayn karo nolosha markabka,” Col Powell ayaa sidaas yidhi. “Waxay ila tahay in xaalku ku wajahan yahay meel xiisadeed. Dhammaadkii Sierra Madre ayaa lagu soo dhow yahay. Waxay dhici kartaa inuu si dhakhso ah u burburo Sierra Madre.” Ayuu raaciyey

Waa dareenkan degdega ah ee riixaya Manila iyo Beijing Filibiin waxay aad ugu baahan tahay inay ku dhegto joogitaankeeda Ayungen Shoal. Waxayna Beijing mar walba isticmaalaysaa awooddeeda, iyada oo doonaysa in Sierra Madre aanu sii noolaan.

Laakiin haddii Sierra Madre ay ugu dambeyntii ku dego biyaha aquamarine ee Badda Koonfurta Shiinaha – ama Badda Galbeedka Filibiin sida ay u yeedho Manila – maxaa dhacaya markaa?

Beijing waxay ku soo ruqaansan doontaa oo isku dayi doontaa inay la wareegto gacan ku haynta reef sidii ay samaysay meelo kale oo ku taal Badda Koonfurta Shiinaha? Manila ma isku dayi doontaa inay badbaadiso Sierra Madre? Sidee bay Washington uga falcelin doontaa?

Qofna ma garanayo laakiin maalintaas ayaa imanaysa, laga yaabee inay aad u dhowdahay.

 

 

Leave a Reply