Mar Kasta Diyaar U Noqo Geerida!

0
198

Marar  badan ayaad maqashaa habaarka “ Qaladi samada kaaga soo dhcaday”. Laakiin akhriste dalka Brasil bishii feberweri sanadkii 2013 ayaa nin ka tirsan qoysaska saboolka ah oo lagu magacaabo Jao Maria de Souza oo gurigiisa hurda goor habeenimo ah uu samada ka kaga soo dhacay neef Sac aad u xog weyni.

Gurigiisa oo cariisha ayaa dusha uga baxay neefkaasi  iyadoo ilaa hadda aan la garan sida uu uu koray inkasta oo loo malayanyo inuu ka fuulay xatabado guriga dhiniicsa debedda ku yaala., Waxaana la sheegay in markii uu dul maryay meel ku began sariirta uu ku hurday ninkani uu Sacan uu la soo go’ay saqafku isla markaa uu ku fadhiistay Jao Maria.

Sida lagu daabacay bogga telegraph.co.uk, gabadhiisa ayaanay iyada waxyeelo soo gaadhin. Saca ayaa ka soo baxsaday xero xoolaad u dhowayd gurigiisa , waxaana uu culayskiisu dhamaa hal ton iyo badh ama 1500 Kg.  Qoyskiisa ayaa ku dooday in aan shilkaasi la aqbali Karin oo ay tahay in la baadho. Mulkiilaha ayaa lagu qaaday kiiska ah dil aan u kas ahayn.

Leave a Reply