Shiinaha iyo Maraykanku way ku kala duwan yihiin wax ka qabashada fidnada bariga dhexe ee sii fidaysa

0
170

Shiinuhu wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero “dhammaan dadaallada lagu dhiirigelinayo horumarinta wada hadalka xalka ah ee labada Falastiin iyo Isreal iyada oo uu jiro khilaafka sii kordhaya ee Bariga Dhexe, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

War-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga wasaaradda arrimaha ee joogtada ah ee Shiinaha Oct. 23, ayaa lagu yidhi, “Sida aan ku aragno, iska horimaadka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sii kordhaya, xaaladda Gaza waa mid aad u xun, iska horimaadyada hubaysanna waxay leeyihiin saameyn sii kordheysa.”

“Dhammaan dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, ilaaliyaan dadka rayidka ah oo ay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si looga hortago musiibo bini’aadanimo oo ka sii daran,” ayaa lagu yidhi.

Waxay intaas ku dartay in baahiyaha bini’aadantinimo ay tahay in la daboolo.

“Shiinuhu wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero dhammaan dadaallada ku habboon horumarinta wada hadalka iyo soo celinta nabadda waxayna ka qayb qaadan doontaa qaybteeda…

Hadalka Shiinaha ayaa iftiiminaya farqiga u dhexeeya Washington iyo Beijing ee dagaalka Israel iyo Xamaas, kaas oo falanqeeyayaasha ay ka walaacsan yihiin inay sii hurin doonto xiisadda u dhaxaysa labada quwadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dadka Maraykanka 19-kii Octobar khudbad toos ah oo laga sii daayay taleefishinka in Maraykanka ay tahay in uu kordhiyo taageerada uu siiyo Ukraine iyo Israel.

“Taariikhdu waxay ina bartay marka argagixisadu aanay wax qiimo ah ku bixin argagixisadooda, marka kali-taliyayaasha aanay wax qiimo ah ku bixin gardaradooda, waxay keenaan fowdo iyo dhimasho badan iyo burbur badan,” ayuu yidhi Biden. “ Way sii wadaan. dhibta iyo khatarta ay ku hayaan Ameerika iyo adduunka way sii kordhaysaa.”

Heshiiskii ay Shiinuhu gadh wadeenka ahaa ee u dhaxeeyay Iran iyo Sacuudiga ee lagu dhawaaqay bishii March, laguna soo celiyay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kaas oo go’naa tan iyo 2016, ayaa loo arkayay calaamad muujinaysa saamaynta siyaasadda ee Beijing iyo kalsoonideeda bariga dhexe.

Shiinaha ayaa u diray Zhai Jun, ergeyga gaarka ah ee arrimaha bariga dhexe, si uu u dhexdhexaadiyo Israel iyo Xamaas. Waxa uu magaalada Doxa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Qatar Al-Huraifi 19-kii Oct, waxa uuna ka qeyb galay shirkii nabada ee Qaahira ka dhacay Masar oo ay ka maqnaayeen Israel iyo saraakiil sar sare oo Maraykan ah. Shir madaxeedka ayaa soo dhamaaday 21-kii Octobar iyada oo madaxda Carabta ee ka qeyb galay aanay gaadhin heshiis ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa rabshadaha sii faafaya.

Alex Vatanka, oo ah aasaasaha barnaamijka Iran ee machadka Bariga Dhexe, ayaa VOA u sheegtay in mowqifka Beijing ee Xamaas iyo xidhiidhka ay la leedahay siinayso  Shiinaha saameynta caalami ah oo ka saraysa Maraykanka marka loo eego arrinta Falastiin lafteeda.

“Waxaan u maleynayaa in Shiinuhu uu si cad u arko tani inay tahay arrin u xun Maraykanka, Shiinaha wuxuu doonayaa in loo arko cadaalad, Maraykankana caddaalad-darro, tanina waxay noqon doontaa sheekada Shiinaha,” ayuu yidhi Vatanka.

War saxaafadeedka Shiinaha waxa kale oo ka mid ahaa, “Sababta aasaasiga ah ee xaaladda hadda ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil waa in dadka Falastiiniyiinta loo arkaa qaran xalaal ah. xuquuqdoodana la dammaanad qaadaa,”.

Shiinaha ayaa aqoonsaday dowladda Falastiin sanadkii 1988-kii, waxaana uu xidhiidh diblomaasiyadeed la sameeyay Israa’iil 1992-kii.

Shiinaha iyo Maraykanku dano isku mid ah ayey ka leeyihiin xasilloonida Bariga Dhexe, xasilloonidooduna way ka duwan tahay xasilloonida dadka kale. Ma rabaan xasillooni oo keliya, waxay rabaan in ay helaan danohooda, marinkooda sahayda tamarta, Shiinaha siyaasadiisu waa inuu Maraykan ka saaro bariga dhexe taasina waxay ku imanaysaa horumarinta xidhiidh wanaagsan oo Waddamada Muslimka ah kaas oo Beijing u aragto in buuxinayo bixitaanka Maraykanka ee Bariga Dhexe. Sidoo kale Shiinuhu wuxuu dano weyn ka leeyahay shidaalka Bariga Dhexe.

 

 

 

Leave a Reply