Bolivia oo xidhiidhka u jartay Israa’iil iyo dalal kale oo dib ugu yeedhay wakiiladoodii

0
162

Bolivia ayaa sheegtay Salaasadii in ay u jartay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Israa’iil, sababta oo ah weerarada ay ku hayso Marinka Gaza, halka dalalka deriska la ah ee Colombia iyo Chile ay dib ugu yeedheen danjirayaashooda u joogay dalka Bariga Dhexe si ay wadatashi ula yeeshaan.

Saddexda waddan ee Koonfurta Ameerika ayaa cambaareeyey weerarrada Israa’iil ee Gaza, waxayna cambaareeyeen dhimashada muwaadiniinta Falastiiniyiinta.

Bolivia “Waxay go’aansatey in ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jarto dawladda Israa’iil iyada oo diiddan oo cambaaraynaysa weerarka gardarada ah ee aan loo meel dayin ee Israel ka wadaan marinka Qaza,” ayuu wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Freddy Mamani ku sheegay shir jaraa’id.

Saddexda waddan ayaa ku baaqay xabbad-joojin, iyada oo Bolivia iyo Chile ay dabada ka riixayaan in gargaarka bini’aadantinimo la geeyo aagga, waxayna Israa’iil ku eedeeyeen inay ku xad-gudbi doonto sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa ku tilmaamay weerarradan “xasuuq lagu hayo shacabka Falastiin” qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, oo hore loo odhan jiray Twitter.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in go’aanka ay Bolivia xidhiidhka ugu jartay uu yahay in ay isu dhiibto argagixisada.

Wadamada kale ee Latin America, sida Mexico iyo Brazil, ayaa sidoo kale ku baaqay xabad joojin.

“Waxa aan hadda haysano waa waalida ra’iisul wasaaraha Israa’iil, oo doonaya in uu tirtiro marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva Jimcihii.

Bolivia waxa ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee si firfircoon u jabiyey xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Israa’iil la leedahay dagaalka ay ku qaadayso Qaza,iyaga oo ka aargoosanaya weerarkii 7-dii October ka dhacay koonfurta Israa’iil oo ay fuliyeen dagaalyahanada Xamaas ee Falastiiniyiinta,kuwaasi oo ay Israa’iil sheegtay in ay ku dhinteen 1,400 oo qof oo ay ku jiraan carruur,isla markaana ay qafaasheen 240 qof.

Bolivia ayaa xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay Israa’iil 2009kii oo uu maamulayey dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa madaxweynaha bidix Evo Morales, iyada oo sidoo kale ka mudaaharaadaysay falkii Israa’iil ee Gaza.

2020, dowladda madaxweynaha ku meel gaarka ah ee garabka midig Jeanine Anez ayaa dib u soo celisay xidhiidhkii.

“Waan diidnay dambiyada dagaalka ee Gaza. Waxaan taageernaa dadaallada caalamiga ah ee lagu dammaanad qaadayo gargaarka bini’aadantinimo, iyada oo la raacayo sharciga caalamiga ah,” Madaxweynaha Bolivia Arce ayaa ku yidhi baraha bulshada Isniintii.

Maamulka caafimaadka Gaza ayaa sheegay in 8,525 qof, oo ay ku jiraan 3,542 carruur ah, lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan 1.4 milyan oo shacabka Gaza ah oo ku dhow 2.3 milyan ay hoy la’aan noqdeen.

Milateriga Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xamaas oo Iran taageerto, oo ka talisa dhul xeebeedka cidhiidhiga ah, inay dhismayaal rayid ah u adeegsato gabbaad dagaalyahanno, taliyeyaal iyo hub, eedaymo ay beenisay.