Madaxweynuhu Wuxuu Fursad u Siiyay Shaqalaha Dawlada in ay Xilal ka Qabtaan Xukuumadda JSL”

0
188

Madaxweynaha Somaliland ayaa agaasime yaal guud u magacaabay dhalinyaro ka tirsan shaqaalaha dawlada Somaliland si looga faa’iidaysto waayo aragnimada shaqaalaha Dawladda, waxaanu tiraba agaasimayaal guud u magacaabay qaar ka mid ah hay’adda Maamul Wanaaga JSL, iyo hay’ado iyo wasaarado kale ee ka tirsan dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi intii uu xilka la wareegay, Isagoo daxweynahu Doorbidaya Shaqalaha dawalada fursadana u siiyay si ay qaranka ugu shaqeeyan, si looga faa’iidaysto waayo aragnimada iyo kartidooda, loona dhiiri geliyo shaqaalaha dawladdas. Waana Guul madaxwayneha u soo hoyatay.

Agasimaha Guud ee wasarada xanaanadada xoolaha iyo kaluumaysiga oo mudo dheer ahaa shaaqale dawaladeed, Madaxweynaha Jamhuuriya somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan u magacaabay Agaasimaha Guudeed ee wasarada xanaanada xoolaha iyo Kaluumaysiga Cabdirisaaq Maxamuud maxamed, Wana Agaasimihii Guud ee saddexaad ee laga magaacabo shaqalaha hay’ada komishanka maamul wanaaga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sannadkii 2019-kii u magacabay Axmed Cabdirisaaq Agaasimaha guud ee qanadaraasayada Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland sidoo kale sannadkii 2021-kii waxa waxa uu Agaasimaha guud ee wasarada horumarinta reer Miyiga u magacaabay Mahad Siciid. Sidaasi waxay noqonaysaa in saddex ka mida shaqaalaha komishanka maamul wanaaga qaranka Somaliland uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay Agaasimayaal Guud.

Taasina waxay muujinaysaa tayada hayada shaaqalaha maamul wanaaga ay leeyihiin, Gudaamiyaha Haayada Maamul wanaaga Liibaan Ismacil Buraale iyo Guudomiye ku xigeenka Prof Axmed Xasan iyo Agaasimaha guud ee Haayada maamul wanaag Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxamaan In ay haayada Horumar balaadhan Gaadhisiyeen inta ay xilka Hayeen. Guusha waxa ay u tahay Hayada maamul wanaaga saddex ka mida shaqaalaha in ay noqdeen agaasimayaal Guud oo uu danbeeyay Agasimaha Guud ee wasarada xanaanada xoolaha iyo Kaluumaysiga Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed.