Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL oo Sheegay in Soomaaliya Dabada ka Riixayso Dagaalka Laascaanood

0
263

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa maamulka Soomaaliya ku eedeeyay inay fara-galin qaawan ku hayaan amniga iyo xasiloonida gobolka Sool, waxaanu sheegay in dawlada Soomaaliya ay xasilooni daro ka wado gobolka Sool.

Wasiirka horumarinta Biyaha Somailand ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu qayb wayn ka yahay dagaalada ka soconayay gobolka Sool, waxaanu wasiirku sheegay in aan loo dulqaadan karin fara-galinta tooska ah ee ay Dawlada Soomaaliya ku hayso gobolka Sool iyo xuduudaha dhulka Somaliland.

Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland ayaa dawlada Xasan Kheekh Maxamuud ku eedeeyay in ay qoraalo iyo warbixino dhinac u xaglinaya u gudbiyaan qaramada midoobay kaasi oo ku saabsan xaaladda Laascaanood oo ay rabaan inay ku wax yeeleeyaan qaranimada iyo jiritaan Somaliland.

Wasiir Cali Mareexaan isaga oo arrimahaasi ka hadlayayba waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan jawaab ka bixiyo, hadalo iyo ficilo is daba joog ah oo meel ka dhac ku ah jamhuuriyadda Somaliland oo dawlada Soomaaliya ee Xasan Sheekh hogaamiyo ka soo bax baxayay maalmahan iyagu waxay doonaa ha isku haystaan ama dawlada ferderaal ah ha isku haytaan ama mid ka wayn ha isku haystaane, laakiin inagu Jamhuuriyadda Somaliland baynu nahay, 32-kii sano ee u danbeeyayna waynu ahayn waana xaqiiqo jirta oo iyaga iyo aduunkuba og-yahay.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) waxa uu intaasi raaciyay “Hadaladaasi iyo ficiladaasi waxa ka mid ah warbixinada aan dhex dhexaadka ahayn ee dhinaca u xaglinaya ee dagaalka inaga dhanka ah ee Qaramada midoobay uu gaynayo wakiilka dawlada Xasan Sheekh oo aad dhinac moodo inuu inaga ictiraafayo dhinacna uu inagu abaabulayo  dagaal iyo qaraaro lidi ku ah Somaliland, marka uu qaraaradaasi gaynayo waxa aad moodaa in Waqooyiga Kuuriya iyo Soomaali wax ka dhexeeya ka hadlayo, Laascaanood baa lagu soo duulay buu odhanayaa haddana Soomaali buu sheeganayaa, inaga markaa waxa uu inaga dhigayaa dal kale oo meel kale ah.

Waxa isaguna far dheeraatay noqday oo dagaalka si badheedh ah ugu jiray waa wasiirkooda Daakhiliga ninka Fiqi la yidhaa oo sagaalkii bilood ee ay socdeen dhibaatooyinkaasi Laascaanood uu dagaalka ilaa bilawgii uu ku jiray si badheedh ah’’.