Wasiirka Arimaha Gudaha JSL oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socdey W. Arrimaha Dibadda Dalka Denmark

0
202

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark. Waxaana kulankaasi ku wehelinayay wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil iyo Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wefti ka socdey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark ayaa ka wadahadlay wada shaqaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Denmark.

Waxa kale oo Weftigan iyo Wasiirka ka wada hadleen iskaashiga iyo Mashaariicaha horumarineed ee dawladda Denmark ay ka fuliso Somaliland iyo xaalada amniga ee dalka.

Waxa kulankan Wasiirku la yeeshay Weftigan ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Denmark ku wahelinayay Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Maayarka Magaalada Boorama.