Arrinta Gaza oo hadhaysay booqashada wasiirka arrimaha dibadda Ukraine ee Koonfur Afrika

0
113

Halkii ay ka ahaan lahayd dagaalka Ukraine Colaadda Gaza,  ayuu u badnaa shir jaraa’id oo Pretoria ka dhacay, ka dib markii uu kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba iyo dhiggiisa Koonfur Afrika Naledi Pandor.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Kuleba uu ku tago Koonfur Afrika, isaga oo isku dayaya inuu taageero uga helo Ukraine qaarad ay Moscow ku leedahay saameyn weyn. Pretoria ayaa si rasmi ah dhexdhexaad uga noqotay dagaalka Ukraine, laakiin dadka dhaleeceeya, oo ay ku jiraan saraakiil Maraykan ah, ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika inay si dhab ah ula safatay Moscow.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Pandor ayaa muujisay rabitaankeeda ah inay aragto nabad, wada xaajood lagu dhammeeyo dagaalka Yurub.

“Mudane wasiir waxaan aad uga walaacsanahay wasiir, dagaalka sii socda ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, khasaaraha nolosha iyo xaaladda bini’aadantinimo ee aad walaaca u leh,” ayay tidhi.

Iyada oo ka gaabsatay in ay dhaleecayso Ruushka, Pandor waxay si isdaba joog ah u soo qaadatay Israa’iil, iyada oo ku sheegtay arrinta Gaza ay ahayd “mid ciqaab wadareed ah.”

Mawqifka dawladda Koonfur Afrika ayaa had iyo jeer ahaa mid taageersan Falastiin, Isniintiina sarkaal ka tirsan madaxtooyada ayaa ku dhawaaqay in Pretoria ay u yeedhayso dublamaasiyiinteeda Israel.

Pandor waxa kale oo uu sheegay in dawladu aanay waxba ka soo qaadin hadaladii dhawaan ka soo yeedhay safiirka Israa’iil u fadhiya dalka oo ay ku garaacday Maraykanka

Ambassador Reuben Brigety – oo horaantii sanadkan ku eedeeyay Koonfur Afrika in ay hub siiso Ruushka, isaga oo raaacay hadalada Maraykanka.

“Safiirka Israa’iil wuxuu bixinayey faallooyin dhowr ah, oo ku dhawaad ​​​​la mid ahaa hadalladii uu sheegay safiirka Maraykanka ee aan caddayn dhowr bilood ka hor…” ayay tidhi. “Waxay u muuqataa inay jirto dhaqan qariib ah oo ka dhex jira safiirada Koonfur Afrika qaarkood oo ah inay sheegaan waxa ay jecel yihiin.”

Waxay intaa ku dartay in laga yaabo inay taasi tahay un aanay ixtiraaamin wadamada Afrikaan ah.

Dhiniciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Kuleba wuxuu si isdaba joog ah u adeegsaday erayo aanay Pretoria ku isticmaalin dagaalka Ruushka iyo Ukraine, isaga adeegsaday “duulaanka” iyo “gardarrada Ruushka.”

Waxa uu xusay in iyada oo qayb ka ah Midowgii Soofiyeeti ee hore, Ukraine ay ka taageertay Koonfur Afrika halgankii ay kula jirto midab-takoorka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Kyiv ay isku dayayso inay ka caawiso waddamada Afrika inay ka maarmaan cunno yarida ay sababtay colaadda Yurub.

Kuleba waxa uu sheegay in wada-hadalladii lala yeeshay Pandor ay ahaayeen kuwo wanaagsan oo “u furay bog cusub” xidhiidhka Ukrain iyo Koonfur Afrika.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine oo dhowaan hadlayey ayaa sheegay in dagaalka Bariga dhexe uu diiradii ka qaaday dagaalka Ukraine haatana dunidu u jeedo Gaza taas oo uu sheegay in ay dan u tahay Ruushka.