Dowladdaha Hoose ee JSL Wax-qabadyada Horu Marineed ee ka Socda Yaa Laf Dhabar u ah?

0
130

Qormadan waxa aynu ku lafo-guri doonaa, kuna daah furi donaa wax-qabadyada horu-marineed ee dawladaha hoose ee JSL ka socda yaa laf-dhabar u ah.

Ugu horayn dalalka jaarkeenna iyo guud ahaan dawladaha afkirka oo dhan haddii ay yihiin kuwa badda leh iyo kuwa aan lahaynba dawladahooda hoose ma jirto dal kaliya oo dakhliyada kastamada ka soo xarooda qaddar dakhli uga qoondeeya dowladdaha hoose. Se waxaa jirta in wadamadaasi qaddar ka mid ah dakhliga guud ee dalka u soo xarooda ayey uga qoondeeyaan dowladahooda hoose; qoondadaas dakhli sida loogu qaybinaayo dowladaha hoose way ku kala duwan yihiin madaama dowladaha hoose kala duruuf iyo kala Waayo yihiin ayaa sababay in aanay si siman loogu qaybin. Qoondadaa dakhliga guud looga qoondeeyo dawladaha hoose ee dal leeyahay waxaa loo yaqaan kabka dowladaha hoose.

Intaa ka dib aynu daahfuro oo eegno sida dalkeena JSL looga dhaqmo; sidoo kalena ka jawaabno su’aasha qormadeenu ku saabsan tahay ee ah Dowladdaha hoose ee Somaliland wax-qabadyada horu marineed ee ka socda yaa laf dhabar u ah?

Dalkeena Somaliland waxaa uu ka kooban yahay 101 degmo una qaybsan afar darajo oo kala A,B,C,D; halka  darajada A: 7;  B: 5; C: 11; D: 78; isku gayntooduna tahay = 101; Waxayna dakhliga guud ee dalka soo galay ku leeyihiin 12.5%; oo sidan u kala helayaan darajad A: 6%; B: 2%, C: 3%, D: 1.5%. Boowe sidoo kale waxaad ogataa in 101 degmo 14  degmo oo ka mid ahi waxaa ku yaala kastamo; dakhliga kastamadaa lagu qabto ama ka soo xarooda degmoyinkaas 14-ka ahi waxay ku leeyihiin10%; intaa waxaa dheer in ay dowladaha hoose ay si gaar ah oo madax banaan u uruursadaan; arintaas oo aan dowladaha hoose ee wadamada jaarka iyo guud ahaan dowladaha hoose ee afrika la qabani sad bursiga intaa leeg.

Arimaha kale ee muhiimka ah ee aan dowladaha hoose ee dalkeena ka hir galay ee sad bursiga dowlada dhex u samaysay waxaa ka mid ah; si loo helo nidaam maamul magaalo oo dowladaha hoose u fududeeya hawlahooda shaqo haddii ay tahay dakhliga urururin; dhisida wado I.W, M waxay dowladda dhex kharash badan ku bixisay sidii loo heli lahaa nidaam qorshayn magaalo (Master plan).

Sidoo kale waxaa ka mid ah oo muhiim ah in aynu xusno in mashaariicda JPLG; ku jirta ee laga fuliyo dowladaha hoose qaarkooda ee ay ka mid ka yihiin dhisidda wadooyinkan dawladaha hoose qaarkooda; Dayactirka iskuulada hoose dhexe qaarkooda, Xanaanooyinka magaalaooyinka qaarkooda; dowlada dhexe waxay ku dartay mashariicdaa 15%.

In sidoo kale Baanka SOMALILAND uu Dawladaha hoose ee dalka intooda ugu badan wax-qabadyadooda kala duwan maal-galin ku sameeyeen tusaale ahaa qalabada kale duwan ee dawladaha hoose soo iibsadaan kuna dhisaan kaabayaasha dhaqaale ee magalooyinkooda; daamurka dowladaha hoose ku dhisaan wadooyinka; Intaas oo qudha ma aha ee dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo amniga oo ka mid ah waajibaadyada ay leeyihiin dawladaha hoose ee dalku waxa gacanta ku haysa oo maal gelisa dawladda dhexe. Sidoo kale wada shaqaynta maamul ee xeesha dheer ee ka dhaxeeya wakaaladaha biyaha degmooyinka ka shaqeeya oo ah wada shaqayn fiican oo waxqabadyo horu marineed ka wada shaqeeya dowladaha hoose ayaa Iyana jirta.

Arinta la yaabka ahi waxay tahay iyada oo aad arkayso sida dowlada dhex ugu sii daynayso kharashaadkaa badan ayey hadan Dowladaha hoose ee dalkeenu waxqabadyadii ku koobeen xoogana ku sareen kaliya   caasimada degmo doorashada oo qudha. Dhacadadaasina waxay keentay in tuulooyinka 78 ahaa ee darajada ‘D’ ee hoos imanaayey degmo doorashada darajada A ah ama darajada C aanay waxbaba ka qaban dowladaha hoose ee dalkeenu; arintaas culayska ka dhashayna waxaa bixisay dawladda dhexe oo gaadhsiisa adeegyada ay u baahan yihiin.

Isku soo wada duub arimaahas oo dhami waxay marag u yihiin in ay muhiimada kobaad ee wax-qabadyada dawladaha hoose fuliyaan ay laf-dhabar u tahay hogaaminta Xisbiga Xukuumada wakhtigaa joogta oo kaashanaya golaha degaanka wakhtigaa jooga

Sidaas darteed dowladaha hoose ee dalkeena waxaan kula talin lahaa in ay ARDAAYADA ay baraha bulshada ku leeyihiin aanay bulshada ku marin habaabin ee ay mar kasta hoosta ka xariiqaan wax-qabadyadka dowlada hoose fulinayso hir galintooda ay laf dhabar u tahay xukumada wakhtigaa talada dalka haysa sidaas ayaa sax ah oo dowladnimo ah boowe.

Yuusuf Soraan

Bare Sare (Senior Lecturer)