Ciidanka Qaranka oo Dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaadka Huwanta oo soo weeraray Deegaanka Buq-dharkayn

0
221

Oog (Dawan)- Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxaha huwanta ee ka dagaalamayey Gobolka Sool oo weerar ku soo qaaday fadhiisin Ciidanku ku leeyahay Deegaanka Buq-dharkayn oo dhaca Koonfurta Degmada Oog maalintii Shalay oo Arbaco ahayd.

Maleeshiyaadkan ayaa aroornimadii hore  soo weeraray deegaanka Buq-dharkayn, iyagoo wata gaadiid dagaal, iyadoo uu qorshohoodu ahaa inay gaade kula wareegaan Saldhigyada Ciidanka iyo Magaaladaasi,waxaanay waxyeello u geysteen Dad Shacab ah oo ay Arbush ku soo jiidheen ka hor intaanay Ciidanka Milateriga is-waajihin.

Ciidanka Qaranka oo gudanaya waajibaadka difaaca amniga Dalka, ayaa khasaare badan gaadhsiiyey kooxdaasi, isla markaana ka qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid gaashaaman oo ay wateen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga oo la xidhiidha weerarkan ay Kooxaha Argagixisadu soo qaadeen, hase ahaatee sida uu Wargeyska Dawan ka helay Dad goob-joogeyaal ah Ciidanka Qaranka ayaa baacsaday Kooxda gulufka soo qaaday. Warku wuxuu intaa ku daray inay maalmahanba dhaqdhaqaaq colaaddeed abaabulayeen Kooxaha is-huwan ee nabad-diidka ah oo fadhiggoodu yahay deegaanka Awr-boogays iyo Jiida ilaa Buuhoodle, iyagoo handidaad iyo dhibaatooyin kale ku haya dadka reer Guurraaga ah ee dhulkaasi degen.

Weerarkan Maleeshiyaadka huwantu soo qaadeen, ayaa ah daandaansi ay mar kale colaad kaga hurinayaan gobolka Sool.