Deeq Dhan 100 Neef oo La Gaadhsiiyay Ciidanka Qaranka

0
127

Hargeysa (Dawan) Maamulka Degmada Bali-mataan ee gobolka Maroodi-jeex ayaa shalay boqol Neef oo adhiya gaadhsiiyay Taliska Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa, deeqdaasi oo loogu talo-galay dhiiri-gelinta Ciidamada Dalka.

Taliyaha Madaafiicda Ciidamada qaranka Sarreeyo guuto Yuusuf Aadan Nuur (Marduuf) oo Deeqdan Adhiga ee degmada Balimataan ugu deeqday Ciidamada qaranka kala wareegay ayaa waxa uu sheegay in ay gaadhsiin doonaan taliska Oog.

Taliyaha Madaafiicda Ciidamada qaranka Sarreeyo guuto Yuusuf Aadan Nuur (Marduuf) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu u mahadnaqaynaa Degmada Balimataan ee keentay Xoolahan, wixii taakulo ee lanoo keeno waxa aanu gaadhsiinaynaa Ciidamada qaranka ee ku sugan Oog. waana idika gudoonnay boqolkaa Neef ee Adhiga ah Degmada Balimataan, hambalyo iyo duco ayaanu u diraynaa”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Balimataan Axmed Naasir Muxumed Daahir ayaa waxa uu sheegay in taakulayntan ay ugu deeqeen Ciidanka qaranka. Waxaana uu yidhi “Waxa aan ku wareejinaynaa Ciidamada qaranka deeq adhiya oo aanu ugu talo galnay taakulaynta Ciidanka qaranka, deeqdan oo dhan boqol Neef oo adhiya, waana deeqdii labaad ee aanu ku wareejino Ciidamada qaranka”.