Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Gubaysa Raashin Dhacay

0
109

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa bulshada ku wargelisay inay gudbi doonaan raashin tayadiisa xumaatay oo la qabtay.

Qoraal shalay ka soo baxay DH Hargeysa ayaa lagu yidhi, “Shacabka reer Hargaysa waxa aanu ku wargalinaynaa in baabuurtii aanu qabanay ee laga soo buuxiyay raashinka dhacay aanu wali hayno sida ugu dhakhsaha badana aanu u gubayno.

Qoraalka Dawladda Hoose ayaa la raaciyey inay ku daba jirnaa sidii sharciga loo horkeeni lahaa cidii lahayd raashinkan ee dalka soo galisay.

“Marka aanu raashinka gubayno waanu idin soo bandhigaynaa, waxa aanu idinku wargalinaynaa in aad noo soo sheegtaan qofkasta oo la kulma alaab dhacday oo uu ka shakiyay.

Waxa aanu u mahadnaqayna Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, oo markii aanu u gudbinay baadhista raashinkan si deg deg ah uga hawl galay nooguna soo warceliyay.