Waxaan Ugu Baaqayaa Dadweynaha Reer Berbera ee ku Jira Guryaha Dawladda in ay Bixiyaan Kirrada ay Dawladu Ku Leedahay…”

0
65

Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka, iyo Guriyaynta JSL ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool magaaladda Berbera ee degan guryaha dawladda in ay kirrada iska bixiyaan.

Wasiirku waxa uu Carrabka ku adkeeyay in aanay dhici doonin oo aanay aqbalaynin in dadka guryaha dawladda ku jiraa ay iska bixin waayaan kirrada ay dawladu ku leedahay.

Mustafe Maxamuud Cali, wasiirka Hawlaha guud, Dhulka, iyo Guriyaynta JSL waxa uu sidan ka sheegay kadib socdaal uu shalay ku soo gaadhay magaaladda Berbera.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku marayay goboladda barriga dalka, waxaanu shir magaaladda Berbera kula qaatay isku-duweyaasha, iyo shaqaalaha wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolka Saaxil, iyo magaaladda Berbera.

Wasiir Mustafe Godane, ayaa u jeedadda socdaalka ay maalmahanba ku marayeen goboladda barriga dalka ku tilmaamay mid lagu dar-dar gelinayo shaqadda ay wasaaradu qaranka masuulka uga tahay.

Waxaanu yidhi “Safarkii aanu ku soo marnay goboladda barriga dalka ayuu ka mid yahay, Kaasoo la xidhiidhay dar-dar gelinta shaqadda qaranka, oo aanu maanta (shalay) Berbera ku joogno. Masuuliyiinta wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolka waanu la shirnay”.

Geesta kale wasiirka ayaa fariin u diray dadweynaha reer Berbera ee degan guryaha dawladda.

“Waxaan doonayaa in aan halkan fariin u mariyo dadweynaha reer Berbera ee ku jira guryaha dawladda, in ay bixiyaan Kirrada ay dawladu ku leedahay.

Waan ku adkaynayaa, ma dhici doonto muwaadin in aad ku jirto guri dawladeed, wax korro ahna aanad bixinin. Waxaanu idinka codsanaynaa in aad kirrada iska bixisaan. Wasaaradu olole ayay bilaabi doontaa. Guri guri ayaana loo tegi doonaa, qof walba na guriga uu degan yahay ayaa loogu iman doonaa” ayuu yidhi Mustafe Godane.