Hargeysa: Shir Wada Tashiga Isbedelka Cimiladda oo Furay

0
78

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shalay furtay shirka labaad ee wada tashiga arrimaha deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda.

Shirkani oo noqonaya kii labaad oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa, waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Waxaana furitaanka shirkani ka soo qayb galay xubno ka socday haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen OXFAM, USAID, Action AID, Candlelight, iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaa shirkani ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta qaranka, Axmed Yaasiin Sheekh Muxumed Cade, ururadda bulshadda rayidka, iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Kulankani ayaa lagu gorfayn doonaa mudadda uu socdo guulaha laga gaadhay wax ka qabashadda dhibaatooyinka haleelay deegaanka, iyo saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu samayn doonaa caqabadihii ka hor yimid qorsheyaashaasi, iyo waxa sababay in ay hirgeli waayaan.

Waxa kaloo shirkani lagu dejin doonaa qorshaha arrimaha deegaanka la xidhiidha ee ku jira qorsheyaasha horumarinta qaranka ee saddexaad NDP3.

Sida ay sheegtay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaanka shirkaasi.

Wasiirku waxay tilmaantay in kulankani laga iskaga xog waraysanayo arrimaha ilaalinta, iyo daryeelka deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, iyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka u yaalla ama u degsan qodobadda arrimaha deegaanka khuseeya ee ku jita qorshaha saddexaad ee horumatinta qaranka ee NDP3.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ka codsatay haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin in ay la soo wadaagaan marka ay dalbanayaan dhaqaalaha ay u qorsheeyeen wax ka qabashadda deegaanka, si aanay u dhicin laba ama saddex haayadood ay soo wada qaataan mashruuc isku mid ah.

Shukri Baandare, oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Haddii xog la hello, tallo waa la helayaa. Markaa waa in aynu xogtii helno, oo aynu is waydaarsano.

Marka aad proposal-ka qoraysaan, waa in aad naga tallo gelisaan, oo aad na waydiisaan halka aanu doonayno in wax laga qabto, iyo halka ugu daran. Si aanu anagu na idiin tilmaano.

Si aanu hal meel ugu wada dhicin dhaqaalaha aad u qorshayseen mashaariicda deegaanka (overlabing), oo mashruuc ay haayad kale hore u waday, aanu mid kale ugu dul dhicin. Taasoo sababaysa in dhaqaalihii (resource-kii), aad hayseen aanu meel keliya ugu wada dhicin”.

“Sidii loo ilaalin lahaa, ee aanu idiinku sheegi lahayn marka hore ee aad proposal-garaynaysaan ba, aanu idiinku sheegi lahayn halka u baahan in wax laga qabtom

Marka aad dhaqaalaha soo heshaan, ee aad mashaariicda fulinaysaa na, waxaa loo baahan yahay in aanu idin la socono, oo (monitoring) ku samayno, oo waxa aad qabateen aanu idin la soo eegno, ayaa loo baahan yahay.

Ka saddexaad na waxa weeye mar kastoo aad baxaysaan, oo aad dhulka soo eegaysaan, waxaa loo baahan yahay in aanu idin raacdo, oo idiin tilmaano” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa isna tilmaamay in shirkani gun-dhigiisa u weyni uu yahay in afkaar la isku waydaarsado, isla markaana la iskula qaato sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradda iyo haayadaha.

Maxamed C/laahi Ducaale, oo arrimahaa ka warbixinayay na waxa uu yidhi “Wasaaradani waxay dastuuriyan qaranka uga masuul tahay deegaanka in la ilaaliyo, isla markaana kor loo qaado tayadiisa iyo ugaadha ku nool.

Shirkan gun-dhigiisa u weyni waxa uu yahay, in aynu afkaar isku waydaarsano sidii aynu u xoojin lahayn wada shaqaynteena.

Sidoo kale qaadhaan bixiyeyaasha ama haayadaha wasaaradda la shaqeeya, oo qayb weyn ka qaata, qorshe-hawleedkoodii sanadka danbe qayb ka mid ah ay tahay. Ama saddex sanadood ha ahaado, ama afar sanadood.

Iyadoo la waafajinayo qorshaha guud ee qaranka ee NDP3”.