Tallaabadii Xukuumada Kaga Jawaabtay Sicir-bararka oo Sababtay Sare u Kaca Qiimaha Lacagta Shilinka Somaliland

0
89

Hargeysa (Dawan)- Guddida Heer Qaran ee kor-u-qaadida qiimaha shillin-ka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bogaadiyey sare-u-kaca talaabadii xukuumadu ku keentay lacagta dalka.

Kulan ay iskugu yimaadeen Guddida heer Qaran ee kor-u-qaadista Qiimaha Shillinka iyo la Dagaalanka Sicir Bararka shalay oo ka qabsoomay xarunta Baanka Somaliland ayaa dib u eegis iyo qiimeyn loogu sameeyey talaabooyinkii ay qaadeen Xukuumadda iyo Baanka Somaliland ee ahaa.

  1. Balaadhinta ku adeegsiga iyo Isticmaalka Shillinka JSl
  2. Fadhiisinta Qiimaha Shillinka JSL iyo la dagaalanka suuqyadda madow ee isku sarrifka
  3. Isku dheelitirka xaddiga lacagta Dollarka maraykanka iyo Shillinka JSL ee ku jira suuqyadda lacagaha.

Dhinaca kale masuuliyiinta Baanka Dhexe ee JSL oo warbixin ka siiyay guddida xaaladda suuqyadda Lacagaha ee maalmahan iyo natiijadda ka dhalatay talaabooyinkii la qaaday ayaa xaqiijiyey in qiimaha Shillinka JSL uu kor u kac gaadhay boqolkiiba 4% sameeyey todobaadkan, taas oo ah guul la taaban karo.

Ugu denbeyn, waxa la isla qaatay in la sii waddo dhaqangelinta talaabooyinkaas si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga lahaa.