Luis Díaz aabihii ayaa hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii la afduubtay

0
154

Luis Manuel Díaz oo ah aabaha dhalay weerar yahanka kooxda Liverpool Luis Diaz ayaa markii ugu horeysay si cad u hadlay tan iyo markii ay sii daayeen koox ka tirsan jabhada Colombia.

Mr Díaz waxa uu sheegay in uu in badan lugeeyey hurdo yarna uu seexday, waxaana lagu hayo meel buuraley ah.

“Ma doonayo in qofna uu ku sugnaado buurtaas xaaladdii aan ku jiray,” ayuu u sheegay suxufiyiinta wareysi uu ilmeeyey.

Mr Díaz ayaa 28-kii October laga afduubtay qoyskiisu magaalada Barrancas ee dalka Colombia.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, 58-jirkan ayaa sheegay in maalmahaas ay u ahaayeen “wakhti aad ugu adag”.

Booliiska Colombia ayaa sheegay in afar qof loo xidhay “in ay mas’uul ka ahaayeen afduubka Luis Manuel Díaz”, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Booliisku waxay sheegeen in ka dib dadaal wadajir ah oo dhexmaray maamulada Colombia iyo British-ka, la burburiyey koox dambiilayaal ah oo lagu magacaabo “los primos”.

Mr Díaz ayaa la haystay ilaa 9kii Noofambar, markaas oo xubno ka tirsan Ciidanka Xoreynta Qaranka (ELN) ay u gacan galiyeen Qaramada Midoobay iyo saraakiisha Kaniisadda Katooliga.

Booliiska ayaa markii hore sheegay in koox dambiilayaal ah ay u badan tahay in ay ka dambeeyaan afduubka.

Laakiin wafdi ka socday dowladda ayaa markii dambe sheegay in ay “ogyihiin” in afduubka ay geysteen “cutub ka tirsan ELN”.

ELN waa kooxda ugu weyn ee Colombia ee hadhaaga jabhadihii firfircoonaa. Waxa ay la dagaalamaysay dawladda ilaa 1964-tii waxana ay leedahay xubno lagu qiyaasay 2,500.

Waxay aad ugu firfircoon tahay gobolka xuduudka la leh Venezuela, halkaas oo Luis Manuel Díaz iyo xaaskiisa ay ku nool yihiin.

Hooyada dhashay ciyaaryahanka kubbadda cagta Liverpool Cilenis Marulanda, iyo aabaha dhalay  Mr Díaz ayaa lagu afduubay qori caaradii, laakiin hooyada waa la sii daayey saacado ka dib.

Iyada oo aabihiis ay haysteen ELN, ciyaartahankan reer Colombian ee u ciyaara kooxda kubbadda cagta Liverpool ayaa ku celceliyay in la sii daayo Aabihii.

Dhibaatada qoyskiisa ayaa qabsaday Colombia, iyada oo dadka ku nool magaalada Barrancas ay sameeyeen socod shumaca ah oo ay ku dalbanayaan in la sii daayo Mr Díaz.

Waxaas oo dhami waxay dhacayeen iyada oo ay socdeen wada-xaajood nabadeed oo u dhexeeya dawladda Colombia ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Gustavo Petro iyo ELN.

Mr Petro ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay mucaaradka, iyada oo madaxwaynihii hore ee Colombia Álvaro Uribe uu yidhi “afduubku nabad ma keeno”.

Diaz ayaa ka ciyaara weerarka wuxuuna todobaadkii hore goolkii barbar dhaca u dhaliyey Liverpool markii ay 1-1 la gashay Luton Town. Wadamada laatiin Amerika waxa caan ah in ciyaartoyga iyo ehelkooda la afduubo iyada oo madax furasho laga doonayo.