Golaha Guurtida Somaliland oo Dood Adag ka Yeeshay Xaaladda Nabadgelyo ee Dalka

0
140

Hargaysa(Dawan) Fadhigii 4aad ee kal-fadhiga 83aad ee Golaha Guurtidda JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha golaha Guurtidda JSL mudane Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa mudanayaasha Golaha loo qaybiyay warbixinta Guddida Joogtada ee Golaha Guurtiddasidoo kalena waxaa ay mudanayaashu dood adag ka yeesheen qodobka Nabad Gelyada iyo Horumarinteeda oo ajandaha ku jira.

Mudanayaasha golaha oo doodooda mid mid uga qayb qaadanayay ayaa waxa ay soo jeediyeen in illaalinta nabadgelyada meel looga soo wada jeedsado, si uu qaranku uga gudbo xaaladahan dagaal ee ka jira.

Mudanayaasha golaha guurtida ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalada beelaha walaalaha ah ku dhex maray deegaanada Cali Saahid iyo qaybo ka mid ah gobolka Sanaag halkaasi oo ay ku maqan yihiin xildhibaano ka mid ah golaha, waxaanay ku taliyeen in shiqaaqooyinkaasi dhamayntooda wixii ka hadhan in loo tafa-xayto lana soo gaba’gabeeyo.

Mudanayaasha ka qayb qaadanayay dooda qodobka nabadgelyada ayaa waxa ay soo qaadeen in talo midaysan laga yeesho xaaladaha ka soconaya dalka, loona dhug yeesho sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadooda.

Xildhibaanada guurtida ayaa shacabka ugu baaqay inay illaashadaan nabadgelyada kana digtoonadaan wax kasta oo lidi ku ah jiritaanka qaranimada iyo wax yeelada amniga iyo nabadgelyada.

Mudanayaasha guurtida ayaa sidoo kale madaxda dhaqanka ugu baaqay inay kaalintoodii qaataan oo ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaaladaha hadda taagan iyo shiqaaqooyinka meelaha qaar ka jira, kaasi oo ay u soo jeediyeen inay arrin waayeel ku dhameeyaan sidii ay horeba ugu dhammayn jireen.

Gebo’gabadii xildhibaanada golaha guurtida ee ka qayb qaadanayay dooda qodobka nabadgelyada ayaa shir-gudoonka golaha ka codsaday inay door shariif ah ka qaataan xaaladda nabadgelyo ee dalka, sidii lagu yaqaanay golaha ee uu mar kasta door muhiim ah uga qaadan jiray xaaladdaha dalka ka jira.