Xukuumadda Somaliland oo Shirkadaha Dhismaha Kala Shirtay Arrimaha Ammaanka

0
193

Hargaysa (Dawan): Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay shirkadaha Dhismaha ee dalka ka hawl galla qaarkood.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa ku saabsanaa amniga iyo wada shaqaynta xukuumadda iyo shirkadaha Dhismayaasha dalka.

Shirkaasi waxaa shir guddoominayay wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxay xukuumadda iyo shirkadaha waaweyn ee dhismaha kaga wada hadleen sidii ay haayadaha amaanka dalka gacan uga siin lahaayeen arrimaha amaanka.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin), wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Xoor Xoor,  wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Sidoo kale waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, gudoomiyaha gobolka Maroodijeex, Taliyaha haayadda Nabad-sugida Qaranka, taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka laanta Socdaalka Somaliland.