Xildhibaan Khadar Cali Xakiin Oo Kulan La Yeeshay Mudane Ka Tirsan Baarlamanka UK

0
148

London (Dawan): Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka tirsan golaha Wakiiladda JSL ayaa kullan la yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo safar shaqo ku jooga dalka UK, ayaa mudanahan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ee uu la kulmay waxa uu kala hadlay arrimo ku saabsan qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Shefeild, ayaa xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu mudanahan ka tirsan baarlamaanka UK, uga mahad celiyay sida uu u garab taagan yahay qadiyadda aqoonsi raadinta JSL.

Waxaanu sheegay Khadar Cali Xakiin, in mudanahani uu ahaa xildhibaankii u horeeyay ee aqoonsigii golaha Deegaanka Shefeild, u gudbiyay, isla markaana uu si weyn uga soo shaqeeyay hawshaasi.

Waxaanu yidhi “Mudanahan oo laga soo doorto Shefield, oo wax badan la qabtay Somaliland. Waxaanu ka shaqeeyay aqoonsigii u horeeyay ee ay Shefield, ictiraaftay Somaliland.

Waxaan uga mahad naqay sida wanaagsan ee uu qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland uga shaqeeyo”.

Geesta kale xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu tilmaamay in kulankaasi ay mudanahan isku la soo qaadeen sidii uu u sii wadi lahaa dedaalka uu ugu jiro hawsha aqoonsi raadinta Somaliland.

“Xildhibaanka waxaan ku booriyay inuu sii waddo, oo aanu ka daalin hawsha aqoonsi raadinta Somaliland. Xidhiidhka wada shaqayneed ee uu jamhuuriyadda Somaliland la leeyahayna sii waddo” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Cali Xakiin.