Hay’adda Sirdoonka oo Qabatay Gaadiid Lug Yeeshay Falal la Qorsheeyay

0
319

Hargeysa(Dawan)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa qabatay 18 Gaadhi oo ay sheegeen in loo qorsheeyay falal argagixiso.

Sidaasna waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay Hay’adda sirdoonku soo saartay

 

Qoraalka Hay’adda Sirdoonka Somaliland ay soo saartay ayaa u dhignaa sidan.”Hay’adda Sirdoonka oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18 Gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hay’addu fashilisay.

Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiidka lagu aqoonsado. NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo gaadiidkan ah.”

Dhinaca kale, Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa dhawaan tobaneeye nin oo looga shakisan yahay falal argagixiso kuwaasi oo sitay baasaboorka dalka Marooko. Waxana ay qayb ka tahay dedaalka isbeddelka ay samaysay hay’adda sirdoonka Somaliland tan iyo intii uu la wareegay Hay’addaasi taliye Mustafe Maxamed Xasan.