Waxwalba xaga xun ayaa loo Rogayaa Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble.

0
181

Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble  oo  ka tirsan  Golaha Guurtida ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ajandaha Kalfadhiga Golaha Guurtida laga soo saaray Xeerka Doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble  ayaa  tilmaamay in loo baahanyahay in laga waantoobo hadalada aanay waxba ka jirin ee dadka lagu kicinayo,

Maxamuud Xareed Rooble  oo arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa  aad moodaa  in bulshadeenii u baahatay dhibaato  dagaal iyo  amaan  darro,waxa xun ayuunbaa la buunbuuniyaa.wax walba xaga  xun ayaa  loo rogayaa  waala layna wanjalay oo waxa la yidhi Guurtida way ka saartay Xeerkii Doorashooyinka  ajandaha xagee  lagu saaray  ma meel kale ayaa lagu saaray   fidmo la abuurayo weeye,rag waaweyn oo la waraysano oo waxaas ku hadlaya ayaan arkayay,waxa loo baahanyahay in laga waantoobo.marka waxaas la leeyahay soo dadka lama kicinayo oo qaarkeen ku hadlayaan,”.

Sidoo kale  Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in layska daayo waxa nabedgalyo darada abuuraya.Waxaana uu yidhi”Waxa loo baahanyahay in layska daayo waxa dhibka abuuraya soo  waxa nabedgalyo darada keenaya  soo maaha ee shakiga abuuraya.Xeerku hal qodob muu ahayn qodobo badan ayaa ku jira oo u baahan dib u eegis.wax wax wanaagsan ka hadlaya arki maysid wixii la soo maray waala garanayaa waxaana aan usoo jeegay Golahan oo la waayay kursi lagu fadhiisto  oo aan la hayn warqad wax lagu qoro oo labada gole  xabad  teeba kala  baryaan labada gole  Maanta Horumarka  wadanka  waala arkayaa,”.