Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ajandaha Kalfadhiga Golaha Guurtida laga soo saaray Xeerka Doorashooyinka.
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in laga waantoobo hadalada aanay waxba ka jirin ee dadka lagu kicinayo,
Maxamuud Xareed Rooble oo arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aad moodaa in bulshadeenii u baahatay dhibaato dagaal iyo amaan darro,waxa xun ayuunbaa la buunbuuniyaa.wax walba xaga xun ayaa loo rogayaa waala layna wanjalay oo waxa la yidhi Guurtida way ka saartay Xeerkii Doorashooyinka ajandaha xagee lagu saaray ma meel kale ayaa lagu saaray fidmo la abuurayo weeye,rag waaweyn oo la waraysano oo waxaas ku hadlaya ayaan arkayay,waxa loo baahanyahay in laga waantoobo.marka waxaas la leeyahay soo dadka lama kicinayo oo qaarkeen ku hadlayaan,”.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in layska daayo waxa nabedgalyo darada abuuraya.Waxaana uu yidhi”Waxa loo baahanyahay in layska daayo waxa dhibka abuuraya soo waxa nabedgalyo darada keenaya soo maaha ee shakiga abuuraya.Xeerku hal qodob muu ahayn qodobo badan ayaa ku jira oo u baahan dib u eegis.wax wax wanaagsan ka hadlaya arki maysid wixii la soo maray waala garanayaa waxaana aan usoo jeegay Golahan oo la waayay kursi lagu fadhiisto oo aan la hayn warqad wax lagu qoro oo labada gole xabad teeba kala baryaan labada gole Maanta Horumarka wadanka waala arkayaa,”.