Nin loo xidhay inuu jaray geed 300 jir ah oo caan ka ahaa Ghana

0
168

Nin ayaa ka soo muuqday maxkamad ka dib markii la jaray geed jiray 300 sano oo caan ka ahaa koonfurta Ghana.

Sawirrada laga soo qaaday geedka la jaray, oo ku yaallay magaalada Feyiase, ayaa cadho ku abuuray dadka reer Ghana ee internetka .

Geedka qadiimiga ah wuxuu jiray ilaa Boqortooyada Ashanti ee dalkaa, oo qayb ka ah Ghana-da casriga ah. Geedkan ka mid ah dhirta loo yaqaano Cola ama Kola Nut, waxa loo isticmaala waxyaabo badan waxaana uu noqoday soo jiidasho dalxiis oo dadka reer Ghana iyo ajaaniibtaba ahaa.

Ninkan ayaa sheegay in aanu wax danbi ah ku lahayn inuu geystay khasaare aan sharciga waafaqsanayn, waxaana lagu waxaana lagu sii daayey dammaanad, lamana

magacaabin.

Sida laga soo xigtay khuraafaadka maxalliga ah, geedkan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay meel uu wadaadka caanka ahaa Ghana, Komfo Anokye uu ku tufay lows uu calaaliyey horaantii 1700-meeyadii.

In badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in iniinaha madow iyo caddaanka ee geedka koola ay daweyn karaan xanuunnada iyo habaarka.

Geedku waxa uu ku yiil badhtanka waddo weyn oo isku xidha xarunta ganacsiga Ghana ee Kumasi iyo harada Bosomtwe oo ah goob loo dalxiis tago.

Waa la badbaadiyay intii lagu guda jiray dhismaha wadada weyn sababta oo ah caannimadiisa.

Ma cadda sababta hadda loo jaray.

Agaasimaha cilmi-baadhista ee Manhyia Palace, oo ah fadhiga qoyska boqortooyada Ashanti, Osei-Bonsu Safo Kantanka, ayaa BBC-da u sheegay Khamiistii in goobta geedku ay muhiim u tahay taariikhda Boqortooyada Ashanti.

Dagaalkii Feyiase wuxuu tusaale u ahaa dadka Ashanti oo u halgamaya madax-banaanidooda oo la halgamaya boqortooyadii xoogga badnayd ee Denkyira.

Mr Kantanka ayaa sheegay in meesha uu geedku yaalay “ay ahayd isla goobtii dadka Denkyira lagaga adkaaday”.

Komfo Anokye, ninka la sheegay in uu mas’uul ka ahaa geedka, wuxuu ahaa wadaad awood badan – qof la rumeysan yahay inuu u dhaqmo sidii dhexdhexaadiye u dhexeeya ruuxa iyo noolaha.

Sheekooyin Dhaqanka ee dadka ayaa sheegaya in uu wadaad kaasi seef dhulka ku aasay, taas oo si adag u taagan oo aan waligood laga saari karin, halka laga dhisay dhismaha cisbitaalka Kumasi oo magaciisa sita.

Joogitaanka geedku waxay ahayd mid si joogto ah u xasuusinaysa faa’iidooyinkiisa.