Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Shirkadaha adeega Korontada bixiya.
Kulanka guddoomiyaha iyo masuuliyiinta bixiya adeegga laydhka, waxa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Komishanka Tamarta JSL Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar iyo agaasimaha guud ee Komishanka Tamarta Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow.
Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagaga wada hadlay wada shaqaynta iyo xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya Komishanka iyo Shirkadaha bixiya adeega Laydhka