Wasiirka Diinta oo ka Qayb-galay Shir ay Qabatay Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga

0
149

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudi Arabiya kaga qayb galay shir ay qabatay wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Dalkaasi, kaasi oo ku saabsanaa mu’tamarka khidmadda Xajka oo sannad kasta ay la qabto, isla markaana ay ka soo qayb galaan daneeyayaasha arrimaha Xajka ee Waddamada Islaamka ah .

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu muddadii uu ku sugnaa dalka Sacuudi Arabiya waxa uu si gaar ah ula kulmay Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Dalka Sucuudi Arabiya Dr. Tawfiiq Binu Fawsaan Al-rabiica .

Dhinaca kale waxa uu Wasiirku kulan la qaatay Shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo Cumrada iyada oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Xajka iyo Cumrada .

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Jiddah ee Dalka Sucuudiga waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Sucuudiga .

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi waxa kulamadaas ku wehelinayey Agaasimaha waaxda Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Shiikh Maxamed Xasan Xaaji Yuusuf (Abu-layla).