Masuuliyiin Kormeeray Cisbitaalka Maanka oo laga Hir-geliyay Ceerigaabo

0
102

Ceerigaabo (Dawan) Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Dr. Mustafe Maxamed Axmed, ayaa kormeer iyo indho indhayn kusoo maray Cisbitaalka Maanka ee magaalada Ceerigaabo oo wasaaradda horumarinta Caafimaadku ka hirgelisay Magaaladda Ceerigaabo.

Kulankan ayaa waxaa agaasimaha ku wehelinayay masuuliyiin ka socday xarunta dhexe ee wasaaradda, waxaanu warbixin ka dhageystay agaasimaha Cisbitaalka Maanka ee Magaalada Ceerigaabo Dr. Mubaarak Dhuux, waxaanu agaasimuhu sheegay in adeegbixinta caafimaadka ee cisbitaalka Maanku yahay mid fiican, isla markaana dadka ku xidhane ka helaan adeegbixin wanaagsan.

Intaa kadib agaasima ayaa mid mid usoo maray qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Maanka ee magaalada Ceerigaabo isagoo warbixino kala duwan ka dhegaystay Shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala Cisbitaalka iyo Qaar ka mid ah Bulshada loogu adeegayay Cusbitaalka.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in uu xoojin doono wada shaqaynta cisbitaalka iyo wasaaradda si loo dardargelyo hawlaha shaqo ee cisbitaalku u qabto bulshada.