Wasiirka Isgaadhsiinta JSL oo Sheegay in aad loo Ilaaliyay Amniga Email-lada Wasaaradaha Dawladda

0
156

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr. Axmed Yuusuf Idiris ayaa furay kulan lagu xoojinayay isticmaalka Email-lada dawladda ee E-government, kaasi oo ay ku wada xidhiidhaan Hay’adaha iyo wasaaradaha dalku.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa sheegay in aad loo adkeeyay loona ilaaliyay amniga iyo badqabka Emai-lada ay isticmaalaan wasaaradaha dalku, waxaanu sheegay in kulankan lagaga wada tashan doono sidii loo joogtayn lahaa ilaalinta iyo sidii ay wasaarad walba u adeegsan lahayd Email-ka ay wasaarada Tiknoolajiyadu gacanta ku hayso.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xagga amaanka Email-lada dawladu ay ilaalash yihiin oo ay ka wasaarad ahaan ay ka soo iibsadaan godadka laga isticmaalo shirkada Microsoft, waxaanu wasaaradaha aan isticmaalin ku booriyay inay isticmaalaan.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa sheegay in marka masuul laga badelo Hay’adda ama wasaaradd u uku wareejinayo Email-ka wasaaradda masuulka lagu badelay isla markaasian looga badelayo number-ka sirta kaliya si xidhiidhkii iyo xigtii wasaaradaasi ay u ilaasjanaato waxaanu yidhi

“Waxa aynu halkan isugu nimi sidii aynu uga wada tashan lahayn adeegsiga iyo isticmaalka Email-lada dawladda oo ay wasaaraddu gacanta ku hayso, kuwaasi oo muhiimad gaar ah u leh Qaranka,sida uu Agaasimaha guud sheegay Email-ladani waa kuwo ilaashan marka laga hadlayo nabadgelyo ahaan cid wax yeeli kartaa ma jirto oo waa kuwo aa doo ilaashay oo toos ayaynu uga iibsanay shirkada Microsoft, sidoo kale waxa ay ku suntan yihiin astaantii wasaaradda oo godkooda xaga Internet-ka dawladda ayaa iska leh.

Qof haddii uu ka tago ama wasiir ama Agaasime la badelo, numberka sirta ah uun baa loo badelayaa, ka ku xigaa halkii buu xidhiidhkii iyo xogtiiba ka helayaa, si aynu arrintaasi u dardar galino loo isticmaalo ayaynu maanta ka wada tashanaynaa.

Wasaaradaha aan isticmaalina inay isticmaalaan, kuwa isticmaalan sidii aynu ugu wada tashan lahayn oo aynu isula eegi lahayn oo joogtayntood aynu caganta ku hayno iyo ilaalintooda iyo sidii ay wasaarad walba ugu shaqayn lahayd”.