Golaha Wadaagga Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya oo Taageeray Heshiiskii Is-af-garadka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya

0
136

Adis-ababa (Dawan) Golaha wadaagga xisbiyada siyaasadda ee dawladda Federaalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay taageerayaan heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxeexdeen ee dhinaca iskaashiga horumarka gobollka.

War-murtiyeedkan oo ay sida wadajirka ah u soo saareen golaha xisbiyada siyaasadda Itoobiya ayay ku sheegeen in ay si mugle, u taageersan yihiin, isla markaana uga doodeen heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya ku dhexmaray magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya, sidoo kale waxa ay ku soo qaadeen nuxurka, fursadaha iyo tabashooyinka la xidhiidha heshiiska.

War-murtiyeedku waxa uu muujiyay in xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo  dhammaan bulshaduba ay kaalintooda ka qaadaan doonaan heshiiskan is afgarad ee u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha wadaagga xisbiyada siyaasadda Itoobiya ayaa waxa uu u dhignaa sida tan :-

Anagoo ah xisbiyada siyaasadeed ee Itoobiya xafiis wadajir ah January 01, 2016 E.C. iyo Axsaabta siyaasadda waxa aanu siwada jira u soo saarnay war-murtiyeed la xidhiidha heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Haddii aanu nahay Golaha wadaagga Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya, waxaannu xaqiijinnay in aannu heshiiskaas si gaar ah u taageerayno.

Qodobka koobaad, waxaa aanu si faahfaahsan uga doodi doonnaa welwelka gudaha iyo dibadda iyo fursadaha, waxaanan xaqiijin doonnaa go’aankeenna ah inaan gudanno doorkeenna annagoo u wada istaagno guusha heshiiska.

Xukuumadda Waxaanu ugu baaqaynaa xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan bulshada inay doorkooda wanaagsan ka qaataan.

Qodobka labaad, ka dib markii aanu falanqaynay warbixintii iyo sharaxaadii ay soo bandhigeen guddida wada tashiga Qaran ee ku saabsanaa halka ay marayso hawshii la soo maray, caqabadaha hor yimi iyo doorka ay xisbiyada siyaasadu ku leeyihiin jihaynta xalinta, waxaanu isla qaadanay in la sii wado xalinta qodobada caqabada ku ah in guul laga gaadho.

Wadatashiga iyo xoojinta dhammaan taageerada loo baahan yahay, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee dalkeenna inay ka qaybqaataan hannaanka, la tashi.

Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda, xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan shacabkayaga inay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa mushkiladda nabadda iyo nabadgelyada ee caqabadda ku ah guul-gaadhista himilooyinka komishanka.