Jidad Casri ah oo Sannadkan Hargeysa Laga Hirgelinayo

0
103

Hargaysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa qorshaysay in sanadkan cusub ee 2024-ka ay Caasimadda Hargaysa ka hirgaliso jidad muhiim u ah isu socodka bulshada iyo gaadiidka, kuwaasi oo lagaga nasan doono saxmada iyo cidhiidhiga gaadiidka wkhtiyada mashquulku jiro.

Qorshayaasha sanadkan cusub ee 2024-ka ayaa waxa ka mid ah dhimaha jidka 150-ka kaasi oo muhiimad gaar ah u leh dadka ku nool caasimadda Somaliland ee Hargaysa, sidoo kale waxaa ka mid ah jidadka muhiimka ah ee ay dawladda hoose ka dhisayso Hargaysa jidka isku xidha Madaarka Haragysa iyo suuqa magaaladda oo ay inta badan adeegsadaan dadka dhoofaya ama ka soo degay Madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Haddaba Kulankii dajinta qorshaha waxqabadka ee Sanadka 2024 iyo dib u eegista Waxqbadkii Sanadkii hore oo qaatay muddo ku siman 11 saacadood oo xidhiidh ah ayaa waxaa ka mid ahaa qorshayaashii layska qaatay in la fuliyo sannadkan 2024 kuwan hoos ku xusan.

 

1.Dhismaha waddada 150-ka.

  1. Dhisamaha Waddada ka timaada madaarka Hargaysa.
  2. Dhiraynta Caasimadda Hargaysa.
  3. Kor u qaadista bilicda iyo tayada Adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.
  4. Dhamaystirka dhismayaasha Degmooyinka aan lahayn Xarun u gaar ah intooda diyaarka ah.
  5. Fududaynta habsami u socodka sharciyaynta dhulka.

Qodobadani ayaa cqayb ka ah qorshaha waxqabad ee sanadka 2024 ay dawladda hoose ee Hargaysa ku shaqayn doonto inta uu sanadkani socdo.

 

Waxa xusid mudan in Waddooyinka ay sannadkan dhisayaan dawladda hoose aanay kaliya ka koobnayn labadan waddo oo kaliya, balse waxa ay dawladda hoose u xustay labdan jid ee ay mihiimada gaarka ah u siisay waa baahida loo qabo jidadkani in si dhakhso ah loo dhiso.

 

Sidoo kale dhisida qorshaha sanadka cusub waxa qayb ka ahaa oo ay masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargaysa tixgalin iyo mudnaan siiyeen, isla markaasina ay qorshaha ku soo dareen xogaha iyo fariimaha ay u soo gudbiyeen dadwayanaha ku nool Caasimadda Hargaysa oo masuuliyiintooda la wadaagayay baahida ka jirta Degmada ay ku nool yihiin.