Wasaarada Caafimadka oo kala Wareegtay Agab Caafimaad iyo Dawooyin Hay,adda WHO.

0
87

Hargeysa(Dawan) Wasaarada Horumarinta  Caafimadka  ayaa shalay  agab Caafimaad  iyo  Dawooyin  kala wareegay  Hay,adda Caafimaad  aduunka ee  WHO.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Horumarinta  Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xegeeye oo  kala  wareegay  dawooyinka iyo agab caafimaad kala  Hay’adda   WHO ayaa  waxaa uu sheegay in agabkani  uu wax ka tari  doono   baahiyaha Caafimaadka,

Dr.Maxamed Cabdi Xegeeye oo  ka hadlayay Dawooyinkan iyo agabkan uu kala  wareegay  WHO.Waxa uu yidhi”Waxa  aanu  la  wareegaynaa agab  Caafimaad  oo  Hay,adda  WHO ku  wareejinayso oo ugu  deeqayso Wasaarada  Horumarinta  Caafimaadka,waxaana  aanu  la  wareegaynaa Mishiinka  kagu baadhayay Xanuunka  xumada. marar  horena  waxa  aanu kala  wareegnay  WHO agabkan oo kale   oo lagu   baadhi  doono xanuunka xumada,waxa  kale oo aanu  la  wareegaynaa   dawooyin kala duwan  oo iskugu  jira kuwii  afka laga  qaadanayay iyo  kuwii laysku  mudayay oo  dhinaca caruurta ah  ee nafaqo  daradu  hayso.waxaana uu  wax ka tari doonaa   baahiyaha   Caafimaadka ay qabaan  xarumaha  Caafimaadka ee hoos   yimaada Wasaarada Caafimaadka,”.

Sidoo kale  Saraakiil  ka  socday Hay,adda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo hadal ka jeediyay  halkaas waxa ay  sheegeen in dhinaca Caafimaadka,isla,markaana ay  sii  wadayaan wada  shaqaynta ka dhaxaysa  Wasaarada Caafimaadka.