Agaasimaha Baanka JSL oo Booqday Baananka Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti

0
123

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Qaasim Xuseen ayaa safar shaqo ku booqday Baananka dhexe ee dalalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Wefti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL Mudane Maxamed Qaasim Xuseen ayaa safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia halkaas oo uu kula kulmay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee dalka Ethiopia Mudane Mamo Mihretu waxaanay labada dhinac ka wada hadleen Iskaashiga iyo sii xoojinta Xidhiidhka labada Bangi ee Somaliland iyo Itoobiya, Sidoo kale waxa ay xooga saareen isku xidhka Hay’adaha Maaliyadeed ee labada dal gaar ahaan Baananka oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dhinac.

Dhinaca kale, weftiga Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland ayaa waxa ay booqdeen safaaraadda Jamhuuuriyada Somaliland ee dalka Ethiopia halkaas oo ay kula kulmeen safiir ku xigeenka Safarada JSL Mudane Barkhad Maxamed Kaariye.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Baanka dhexe JSL waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Djibouti, Mudane Axmed Cismaan iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Djibouti Mudane Xasan Muuse halkaasi oo uu safar shaqo ku tagay waxaanay ka wada hadleen wada-shaqaynta bangiyada labada dalka, kuwaas oo muddo dheer xidhiidh iskaashi lahaa.

Dhinaca kale, Weftiga Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ayaa waxa ay Booqdeen safaraadda Jamhuuuriyada Somaliland ee Djibouti halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ambaasodorka JSL ee dalka Djibouti Mudane Cabdifataax Siciid, kaasi oo ay iska xog-waraysteen arrimo la xidhiidha safarka Agaasimaha.