Togdheer: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta JSL oo soo Kormeeray Buuraha Macdan Qodista

0
147

 

Burco (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid, oo safar shaqo ku maraya goboladda Barriga ayaa soo kormeeray degmooyin laga wado macdan qodis.

Agaasimaha iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa Kormeer isugu jira xog ururin iyo waxyigelin ku soo sameeyeen degmooyinka mashaariicda macdan qodistu ka socoto ee gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada FIQI-AYUUB.

Weftigan ayaa waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Nuur, Taliye ku xigeenka qaybta ee gobolka iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha waaxda Macdanta iyo agaasimaha waaxda xidhiidhka gobollada iyo sidoo kale Isuduwaha gobolka Togdheer ee wasaaradda Macdanta.

Weftigan ayaa soo indho-idheeyey goobaha macdan qodisktu ka socoto ee degmada Fiqi-Ayuub sidoo kalena kulamo gaar gaar ah la qaatay cuqaasha, waxgaradka, odoyaasha iyo dhallinyarada degamada fiqi ayuub.

Sidoo kale weftigani kulamo wacyigelin ah ka sameeyeen tuulooyinka ka agdhaw buuraha ay ka socoto mashaariicda macdan qodistu, isla markaana ku dheeraaday muhiimada ay qaranka u leeyihiin mashaariicdan macdanta ee ka socota deegaamadooda.