Booliska oo soo Qabtay 21 Xidhmo oo Xashiishad ah iyo Eedaysanayaashi Waday

0
152

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska ayaa soo qabtay 21 xidhmo oo maandooriyaha Xashiishada ah iyo eedaysanayaashii waday oo ay ciidanku ka hawlgaleen.

Ciidanka qaybta la dagaalanka mukhaadaraadka iyo Saldhigga Booliska ee Aadan Shiiine ayaa hawlgal ay ku qaadeen soonaha Saldhiga Aadan Shiine waxay gacanta ku soo dhigeen 21 xidhmo oo xashiishada iyo eedaysanihii watay.

Taliska ciidanka boolisku waxa uu xusay in eedaysaneyaashii lagu soo qabtay Xashiishadaasi ay ku jiraan gacanta booliska, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono cadaaladda.

Taliyaha qaybta la dagaalanka mukhaadaraadku waxa uu digniin culus u dirayaa dadka ku hawlan ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada waxaanan u soo jeedinaynaa inay ka waantoobaan, isaga oo faray dadka waxaasi ku hawlan in ay Ciidanka Boolisku la socdaan meel kasatna ay u taagan yihiin sidii ay bulshada uga qaban lahaayeen Maandooriyaha iyo cida rabta inay bulshada fasahaadiso, sidoo kale waxa uu u soo jeediyay inay gacanta kala baxaan arrimaha Daroogada iyo xashiishka inta aanay Ciidanku cadaaladda hor gayn.

Qoraalkanka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa loogu mahadnaqay qaybaha kala duwan ee bulshada JSL.

Waxaana lagu yidhi. “Shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu uga mahadcelinayaa la shaqaynta Ciidanka Booliska , waxaanan u soo jeedinaynaa inay kor usii qaadaan , waxii ay garan wayaana Ciidamada Booliska la soo wadagaan. Iyagoo soo wacaaya 999 .”

Ugu danbayn Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hadda iyo jeer waxa ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga iyo xasiloonida shacabka, sidoo kale waxa ay u taagan yihiin in ay bulshada ka qabtaan waxa yaabaha ay diinteenu mamnuucday iyo waxa aan dhaqan ahaan bulshada u fiicnayn ee ay kow ka yihiin Khamriga, Xashiishada iyo dhammaan maandooriyayaasha kale ee la isticmaalo, sidoo kale waxa ay gacanta ku soo dhigayaan cid kasta oo ku hamida inay bulshada dhex keento Maandooriyaha.