Somaliland iyo Itoobiya oo Naqdiyay Bayaankii Jaamacada Carabta Kuna Tilmaamay Mid aan la Aqbali Karin

0
156

Hargeysa(Dawan)-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa gaashaanka ku dhuftay baaqii ka soo baxay Jaamacadda Carabta ee ay ku sheegeen inuu waxba kama jiraan yahay heshiiskii is faham ee ay dhawaan kala saxeexdeen dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanay bayaankaas ku sifeeyeen mid aan la aqbali karin oo cadaawadi ka muuqato.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee JSL, ayaa ku tilmaamay bayaanka Jaamacadda Carabta mid xadgudub ku ah qarannimada Somaliland oo ay ka muuqato cadaawadi, waxaanu war-murtiyeedkaasi u qornaa sidan:-

“Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay qaraarka ka soo baxay kulankii aan caadiga ahayn ee ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda jaamacadda carabtu 17.1.2024, kaasoo ay ku caddeeyeen inay taageero u muujinayaan midnimada Soomaaliya, nabadgalyadeeda iyo waliba in heshiiska is fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ay ku tilmaameen mid waxba kama jiraan ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa bayaanka kas oo baxay ururka Jaamacadda carabta mid cadaawadi ka muuqato oo gef ku ah madax-bannaanideeda isla markaana fargo galin ku noqonaya arrimeheeda gudaha.

Warsaxaafadeedkan wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal madax bannaan isla markaana aan aqoonsanayn sheegashada Soomaaliya ay ku sheeganayso dhulkeeda, waxaanay xaq u leedahay oo qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ahi u dammaanad qaadeen inay heshiisyo la gali karto dalalka Saaxiibbada ah iyo kuwa Jaarka ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka digaysaa cawaaqib xumada ka iman karta fasiraadda khaldan ee maamulka Muqdisho ka bixinayo heshiiskii is-fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ay ku majare habaabiyeen ra’yiga caalamka gaar ahaan ka dawladaha carabta.

Waxay Somaliland sheegtay in Tallaabadaas loo wajahay si aan masuuliyadi kujirin isla markaana hurin karta colaado ka dillaaca geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u caddaynaysaa Ururka jaamacadda Carabta, dawladaha xubnaha ka ah ururka Jaamacadda carabta iyo guud ahaan dalalka caalamka in madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland tahay go’aan aan ka noqosho lahayn isla markaana shacabka jamhuuriyadda Somaliland diyaar u yihiin inay sii wadaan halgankooda ku salaysan sidii ay u xaqiijin lahaayeen qaddiyadda madax bannaanida dalkooda qiimo kasta oo uu ku kacayo.”

Geesta kalena, Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa bayaanka ka soo baxay dalalka Jaamacadda Carabta ku sifeeyay mid aan la aqbali karin oo xadgudub ku ah madax-bannaanida qarannimada Itoobiya.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesganu Arega ayaa sheegay in baaqa jaamacadda carabtu uu yahay mid dhallanteed ah oo faro-gelinaya madax-bannaanida qarannimada dalkaasi.

Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Meles Alem ayaa baaqa Carabta ku tilmaamay in aan la aqbali karin , waxaanu shaaciyay in dalalka Afrika ay awood u leeyihiin inay xalistaan wixii dhibaato ka dhex aloosan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya wuxuu cambaareeyay Wasiirka Khaarajiga Masar Mr. Sameh Shoukry oo Itoobiya ku eedeeyay inay qas ka wado gobolka Geeska Afrika, waxaanu hadalka Wasiirkaas ku sifeeyay mid masuuliyad darro ah oo uga sii daraya xaaladda.