Dallada Urur Siyaasadda oo Golaha Wakiilada ku Eedeeyay Ansixinta Xeerkii Doorashooyinka

0
129

Hargeysa (Dawan)- Dalada Urur siyaasadeedyada ayaa ku ee deeyay Golaha Wakiilada in sifo baalmarsan qodobka 78aad ee datuurka ku meelmariyeen Xeerka Doorashooyinka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Dalada Urur siyaasadeedyada Somaliland ayaa waxa ay ku sheegeen in Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxba kama jiraan ka soo qaadeen Wax ka badalkii Golaha Guurtida ku sameeyay Xeerka Doorashooyinka.

Bayaanka Ururadda Siyaasadda ee Xeerarka doorashooyinka waxa uu u dhignaa sidan. “Jamhuuriyadde Somaliland waxa ay in muddo ah kusoo jirtay murano iyo xasilooni darro siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamaysey. Khilaafaadkaa siyaasadeed waxa ay dalka u gaysteen dhaawac weyn oo dhanka dhaqaalaha, isku duubnimadda bulshada, nabad geliyada guud ee dalka iyo haybadda dawladnimada. Si loo daweeyo dhawac-yadaas, waddankuna uga baaqsado xasilooni darrooyin siyaasadeed oo cusub, waxa waajib ah in dalkan ay ka dhacaan doorashooyin la isla oggolyahay oo dammaanad qaadaya in muwaaddin kastaaba helo xaqa ka qayb-galka siyaasadeed ee dastuurku u dammaanad qaaday.

Sidaas darteed, kulamo balaadhan oo qaatey mudo laba maalmood ah, kuwaas oo ay goobjoog ahaayeen & Urur siyaasadeed ayaa si weyn loogu lafagurey arrimaha doorashooyinka iyo dhammaystirka xeerarkooda. Ugu danbayna waxa ka soo baxay bayaan, ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

  1. Kaabista iyo wax ka beddelka ay Golaha Guurtidu ku sameeyeen Xeerarka doorashooyinka ee loo gudbiyey Golaha Wakiillada waxa aanu mabda’ ahaan u aragnaa, haddii sidooda lagu gudbin lahaa. inay horseedi karayeen qabsoomidda doorasho ku qotonta dastuurka JSL. waxase wax laga xumaado ah in Golaha Wakiilladu soo jeedintaas waxba kama jiraan kasoo qaadeen, taas oo horseedi doonta khilaaf siyaasadeed oo sii jiitama iyo doorashooyinka oo dib u dhaca.
  2. Waxa aanu aad uga xunnahay in Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee kasoo kala jeeda seddexdi Xisbi ee hore, kuwaas oo liisamadoodu dhaceen 26 December, 2022, ay ka shaqeeyeen hagardaamaynta iyo dib u dhaca doorashooyinka, iyagoo cid gaara ugu danaynaya,
  3. Ururadda Siyaasaddu waxay ugu baaqayaan Golaha Wakiiladda JSL. si looga baaqsado khilaaf-yo hor leh oo dib u bilaabma iyo dib u dhac doorashooyin, waxa waajib ah iney arimaha xeerarka doorashooyinka u raacaan sida dastuurka guud ee dalka ku cad, gaar ahaan Qodobka 78aad.
  4. Ugu danbayn Ururadda siyaasaddu waxay ugu baaqayaan dhammaan daneeye-yaasha siyaasadda in la isugu yimaaddo miiska wada hadalka si loo xaliyo murugga siyaasadeed. loona jeexo hilinka doorashooyin la isla oggolyahay, taas oo aanu u aragno dariiqa kaliya ee xalka.”