DP World Waxay ku Faraxsantahay Wada-shaqaynta Qotada Dheer ee Itoobiya”

0
69

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha guud ee Shirkadda DP World ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wada-shaqaynta qotada dheer ee ka dhaxaysa dawladda Itoobiya, waxaanu tilmaamay in ay si wadajir ah u qaabeynayaan mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah.

Maamulaha Guud ee Shirkada DP World ayaa sheegay in uu Raysal Wasaare ku xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnin kula kumay shirka isaga oo ku sugan shirka WEF24, waxaanu sheegay in ay Itoobiya ka wada-shaqaynayaan hal-abuurka, iyo barwaaqada Mandaqada.

Maamulaha guud ee shiradda DP World waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyaya Bartiisa LinkedIn, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

“Shirkada DP World waxay aad ugu faraxsan tahay inay sii qoto dheeraato wada shaqaynta shirkadda iyo Itoobiya. Si wadajir ah, waxaanu u qaabeyneynaa mustaqbalka ganacsiga caalamiga ah, hal-abuurka, iyo barwaaqada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqno sida ay nooga go’an tahay tayeynta Dekedda Berbera oo ah marin muhiim ah oo isku xidha gobolka.

Iskaashigan istiraatijiyadeed kaliya ma xoojinayo xidhiidhka dhaqaalaha laakiin sidoo kale wuxuu u gogol xaadhayaa koboc waara.

Marka aynu safka hore kaga jirno isbeddelka, isbahaysiga DP World iyo Itoobiya waxay ka dhigan tahay tallaabo geesinimo leh oo loo qaaday mustaqbal ifaya oo xidhiidhsan.”