Xakiim

0
149
  • Ka fogow Xanaaqa, adiga keliya ayuu ku dhaawacaya. Maxaad la cadhoonaysaa?
  • Qaladka ugu weyn ee dadku sameeyo inta badan waa; waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen ama dhacay.
  • Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keliya ayaa naftaada joojin kara oo dib u dhigi kara.
  • Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa qaldan, sababtoo ah ma xamili karaan mana aqbali karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad sameynayso.
  • Marnaba aad ha uga fakirin wixi tagay, waxay sababta murugo. Aad ha uga fakirin mustaqbalka, waxay kuu keenaysaa welwel iyo cabsi. Ugu noolow Maantadan adigoo dhoolacadeynaya, waxay kuu keenaysaa Farxad iyo Rayn-rayn
  • Marka Maskaxda iyo jidhka qofku daciif yahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato, wakhtiga maskaxda iyo muuqaalka jidhka qofku xoogan yahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad.