Xukuumadda oo Caalamka ugu Baaqday in ay Aqoonsadaan Qarannimada Somaliland

0
99

 

Somaliland oo Sheegtay in Soomaaliya ay ka Baxday Heshiisyadii ay Labada Dhinac Hore u Wada Gaadheen

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dalalka beesha caalamka ugu baaqday in ay aqoonsadaan qadiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxa ay dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay in ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen labada dal.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay shirka todobbaadlaha ah ee golaha wasiirada Somaliland oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), kaas oo lagu lafo-guray arrimaha mandaqadda Geeska Afrika, ta Somaliland iyo Soomaaliya.

War-murtiyeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan waxa uu u dhignaa sidan:- โ€œSida la-wada ogsoon yahay waxay Jamhuuriyadda Somaliland ahayd Maxmiyad Boqortooyadii Ingiriiska. 1884 illaa 1960 oo ah muddo 76 sanno ah, waxayna ahayd waddankii 17aad ee Qaaradda Afrika ee qaatay Xorriyadiisa 26 June, 1960-kii.

Somaliland markii ay xornimada qaadatay waxa ay ahayd waddan leh xuduudo caalamiya, Dawlad, Dastuur iyo Baarlamaan oo loo aqoonsan yahay sidii waddamada kale ee xornimada qaatay.

Doonistii shantii Soomaaliyeed ayuu ka dhashay midowgii aan sharciga ku fadhiyin ee Somaliland iyo Soomaaliya July 01, 1960.

Somaliland isla markiiba waxay ka biyo-diidday hannaankii midawga oo baal maray xeerkii midowga (Act of Union) labada dhinac in la isu-keenno, iyadoo xeerkii Somaliland-na la tuuray, kii Soomaaliyana loo codeeyey.

Sidaa-awgeed waxa aqlabiyadda reer Somaliland diideen aftidii loo qaaday dastuurka 1961.

Mudadii ka dambaysay dadka reer Somaliland waxa loo gaystay tacaddi badan iyo xasuuq baahsan. 1988 waxa Somaliland lagu dilay 50,000 (konton kun ) oo rayid ah, waxaana la dumiyey wixii ay dhisteen miyi iyo magaaloba, waxaa qaxay hal miyan oo noqday Qaxoonti, kaas oo ay ka markhaati kacday War-bixintii Qaramada Midoobay ee sannadkii 2001-dii, Madaxda Soomaaliyana ay qireen.

Burburkii ka bacdi Shacabka Reer Somaliland oo ay hoggaaminayaan Madaxda Dhaqanka, wax-garadka, siyaasiyiinta iyo culimadu waxa ay goโ€™aansadeen inay la soo noqdaan xornimadoodii 18 May 1991, markaasi ayaa ugu dambaysay in Soomaaliya ay ka taliso Dhulka Somaliland.

Sida bulshada caalamku ka warqabto Somaliland qayb kamay ahayn dhammaan dawladihii ay dhisteen Soomaaliya 33 sanno ee u dambeeyey iyo dastuurka ay samaysteen oo ku koobnaa shantooda maamul goboleed iyo dawladooda.

Gooni-isu-taaga Somaliland ee shirweynihii Burco 1991 waxay mar labaad shacabka Somaliland ku ayideen aftidii dadweyne ee loogu codeeyey dastuurka 97% 31 May 2001,

La-soo-noqoshada madax-banaanida Somaliland waxa ay waafaqsan-tahay Axdiga Midowga Afrika 1963, kaasi oo Afrika isku raacday in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan waxba laga badalin.

Sidoo kale waxa arrintaas ka marag kacay Guddidii Xaqiiqo-raadinta ee Midawga Afrika u soo diray Somaliland 2005 ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka AU.

Guddida xaqiiqo raadisku waxa ay qireen in Somaliland waafaqsan tahay Axdigii ilaalinta xuduudihii gumaysiga ee Afrika, soona jeediyay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waddan madax-bannaan sida ku cad Axdiga caalamiga ah ee Montevideo Convention ee 1933, iyada oo Somaliland waafaqsan tahay Afarta qodob ee dhismaha dawladnimada ee ku xusan axdiga.

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo saaray qodob badan:-

  1. Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo ka duulaysa Madax-bannaanideeda Dhuleed, Badeed iyo Cireed waxa ay heshiisyo u gali kartaa si waafaqsan Dastuurka JSL Qodobka 12aad, farqadiisa 3aad iyo Shuruucda. Horana ay heshiisyo ula gashay hayโ€™addo Caalamiga ah iyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya.
  2. Sida uu dhigayo Dastuurka JSL Qodobkiisa 10aad, farqadiisa 4aad, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay ee dalalka Geeska Afrika dhex ooli jirtay lagu baddalo is-afgarad iyo isku soo dhawaansho.
  3. Oggolaanshaha iyo kiraynta Saldhigyada Ciidammada badda maaha mid ku cusub dalalka Geeska Afrika ee waxa leh waddamada Ereteria, Djibouti, Somaliland, Kenya iyo Soomaaliya.
  4. Sida ku cad Heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee 01/01/2024 ay kala saxeexdeen labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, waxa ay Somaliland kiraynaysaa Saldhig Ciidan (Naval Base), iyada oo Ethiopia-na ay aqoonsanayso Jamhuuriyadda Somaliland, Saldhigaasi Ciidan maaha siin iyo iib midna ee waa kiro muddo cayiman ah oo waafaqsan habraaca heshiisyada saldhigga Ciidamada, Heshiiskaasi oo marka si rasmiya loo kala saxeexdo la marin doono golayaasha sharci dajinta.
  5. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay jirtay waxa ay xasilisay ammaanka gudaha dalkeeda (Bad, cir iyo Bariba), sidoo kale waxa ay ka qayb-qaadatay sugidda amaanka Gobolka oo dhan, gaar ahaan dalalka jaarka ah.
  6. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dalalka caalamka ugu baaqaysaa in ay Aqoonsadaan Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasi oo guul istaraatajiyadeed iyo mid nabadgelyadaba u keenaysa guud ahaan caalamka, gaar ahaana Afrika iyo gobolka Geeska.
  7. Jamhuuriyadda Somaliland waxay Beesha Caalamka ka codsanaysaa inay gacan ku siiyaan adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Somaliland, taasi oo haddii ay wiiqanto saamayn ku yeelanaysa Mandaqadda, Dawladda Soomaaliyana ay ku cadaadiyaan inay joojiso colaada ay ka aloosayso Geeska Afrika.
  8. Xukuumadda Somaliland waxay beesha Caalamka ku wargelinaysaa inay Dawladda Soomaaliya si badheedh ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la iska kaashado wixii nabadgelyada wax yeelaya, lagana fogaado hadallada abuuri kara nac iyo kala fogaan isla markaana hawada (Air space) loo maamulo si siman, heshiisyadaa iyo heshiisyo kale oo Beesha Caalamku marag iyo Markhaati ka ahayd.
  9. Sida ku cad hadaladii ay jeediyeen madaxda Soomaaliya waxay farriin guubaabo ah u dirayeen kooxaha argagixisada si ay falal amni darro uga fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo xoqaya arrimo diimeed, kuna kicinayey haddii saldhig Ethiopian ah la sameeyo dadka la gaalaysiinayo, iyada oo ay soomaaliya saldhigyo badan ku leeyihiin Ethiopia iyo dalal kaleba, cid la gaalaysiiyeyna aanay jirin, isla markaana Ethiopia ay ku nool yihiin muslimiin badan oo ay ku jiraan soomaalida Ethiopia.
  10. Marka la dhagaysto doodaha iyo muranka Soomaaliya waxay ku doonayaan inay xaq u leeyihiin in ay iyagu galaan heshiiska badda, sidii ay kuwo horeba u galeen, mana diidana heshiiska, laakiin waxay diiday in Jamhuuriyadda Somaliland gasho heshiiska, taasina maaha mid ay Dawladda Somaliland iyo Dadkeeduba aqbalayaan.
  11. Dawladda Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa in ay joojiso marin-habaabinta shacabka Soomaalida iyo durbaanka colaadeed ee ay garaacayso, dhiirrigalinta iyo abaabulka Ururrada Xag-jirka ah.
  12. In Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax gorqortan ah ka galayn Qarannimadeeda, sidoo kale ay naf iyo maalba u hurayso madax-banaanideeda, dhuleed, badeed iyo cireedba.
  13. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shacabka ku bogaadinaysaa sida ay heeganka ugu jiraan difaaca qarankooda, waxana ay faraysaa inay Af iyo Addinba difaacaan qarannimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, kana feejignaadaan hadallada kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland.โ€

 

 

 

ย