Ciidanka Booliska oo Digniin u Diray Dadka ka Ganacsada Maandooriyaha

0
89

Hargeysa (Dawan) Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa digniin u diray dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada.

Ciidanka ayaa sheegay in ay ka qaadi doonan tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay ka waantoobi waayaan oo ay joojin waayaan ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan khamriga iyo xashiishada.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay shalay hawlgal ay sameeyeen ciidamada saldhiga degmada Maxamed Mooge iyo ciidanka la dagaalnaka mukhaadaraadku gacanta kusoo dhigeen boqol iyo todoba iyo sideetan litir oo khamri ah.

Ciidanka hawgalka khamriga kusoo qabtay ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan eedaysanihii watay kaasi oo ay xuseen in la aqoonsaday oo ay gacanta kusoo dhigayaan.