Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Xasan Sheekh uu Hoggaaminayo Dagaal ka Dhan ah Qadiyadeeda

0
98

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo wadddaniyadda, Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu horkacayo dagaal lagaga soo horjeedo Somaliland.

Waxa uu sheegay in kadib markii uu is fahamku badu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyay dagaalo lagaga soo horjeedo Somaliland, isla markaana uu abaabulay bulshadiisa.

Waxaanu yidhi.”Arrintii qaranka Somaliland guusha iyo sharafka usoo kordhisay waxa barbar socday dagaal dhinacwalba ah oo uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud”

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan aanay ka ahayn bad difaacis, laakiin uu rabo in isaga laga amar qaato, oo uu heshiisyada saxeexo, isla markaana uu ka xunyahay uun in Somaliland ay heshiis gasho.

Waxa uu sheegay in kadib dagaalka balaadhan ee dubulumaasiyadeed ee ay dowlada Soomaaliya qaaday aanay uga soo bixin natiijo buurani, isla markaana shirkii ugu danbeeyay ee IGAD ay kasoo baxeen wax dowlada Soomaaliya aanay filaynin.

Waxaanu yidhi.”Dowladuhu waxay kaga jawaabeen is ixtiraam qarankan Somaliland la ixtiraamayo, arrimihiisa aan la farogalinayn, xukuumad ahaana, waanu uga mahadnaqaynaa”.