Diyaar Ayaannu u nahay Doorashada, Khilaaf-na Ma Jiro” Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
206

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf ayaa cadeeyey in ay guddi ahaan diyaar u yihiin in doorashada ay ku qabtaan xilligii loo mudeeyey.

Guddoomiye Muuse Xasan ayaa beeniyey in uu hadda jiro khilaaf u dhaxeeyey guddida doorashooyinka ka dib markii wax laga waydiyey warar lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in khilaaf soo kala dhexgalay xubinta xisbiga Waddani iyo xubnaha kale.

Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan uu la qaatay guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiillada Somaliland waxana uu yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay diyaarinta Miisaaniyadda Doorashooyinka wixii anaga nagu xidhan waa suurtagal diyaarna waanu u nahay doorashada “