Dhisme Dadka Socotada Loogu Shaqeynayo oo laga Dhagax Dhigay Dekedda Berbera

0
116

Qore Khadar M. Xaashi

Berbera (Dawan) Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland sarreeya guuto Maxamed Xuseen Farah Xiirane, ayaa dhagax dhigey dhisme cusub oo loo bineynayo dekedda Berbera, kaas oo loogu adeegi doono dadka socotada ah ee ka soo dega dhinaca Badda, iyada oo markii hore rakaabka adeegbixinta loogu qaban jiray albaabka dekadda oo xafiisku ku yaalay.

Dhagax dhige dhismahan waxa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Saaxil, maareeyaha dekaddaha Somaliland, saraakiil ka tirsan laanta socdaalka iyo marti Sharaf kale.

Taliye Xiirane ayaa dhismahan ka dhagax-dhigey meel ku haboon ahna halka ugu dhaw goobaha lagu soo xidho Doonyaha iyo Maraakiibta sida Rakaabka.

Dhismahan ayaa ah hool weyn oo leh qaboojiyayaal, xafiisyo, koontiinarada dhoofitaanka iyo soodejinta ay ciidanku ku shaqaynayaan si joogta ahna ay u dhex joogi doonaan.

Sidoo kale dhismahan casriga ah ayaa yeelan doona sida taliyaha iyo masuuliyiintii kale ee ka qayb galay dhagax dhigu ay sheegeen, goobihii ay dadka socotada ahi ku nasanayeen inta la hubinayo safarkooda, suuliyadiin ragga iyo dumarka iyo dhamaan qalabkii lagu shaqayn lahaa.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka ayaa sigaara ugu mahadnaqay dowladda USA oo bixisay kharashaadka dhismahan iyo qalabka iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM oo fulinaysa mashruuca dhismahan.