Haweeney Maraykan ah oo gacan ka geysatay dilkii hooyadeed ayaa lagu xukumay 26 sanno

0
140

Haweeney Maraykan ah oo gacan ka geysatay dilka hooyadeed oo meydkeeda boorso ku ridday xilli ay ku jirtay fasax 2014-kii magaalada Bali ayaa lagu xukumay 26 sano oo xadhig ah.

Heather Mack ayaa sanadkii 2015-kii lagu xukumay dalka Indonesia, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xadhig ah, balse waxaa la sii daayay 2021-kii.

Kadib waxaa la xidhay markii ay timid Maraykanka waxaana lagu eedeeyay in ay maleegtay dil muwaadin Maraykan ah.

Mack ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ku jirtay xabsiga Chicago iyada oo sugaysay xukun.

Arbacadii, garsoore Matthew Kennelly ayaa go’aamiyay in Mack, oo 28 jir ah, ay heli doonto qaddarin maadaama ay la shaqaynaysay naxkamada, taas oo ka dhigaysa xukunkeeda rasmiga ah ilaa 23 sano.

Mack, waxa dilka hooyadeed la shirqoolay saaxiibkeed Tommy Schaefer. Mack hooyadeed oo la odhan jiray Sheila von Wiese-Mack, ayaa ahayd aqoon yahan maal-qabeen ah.

Labada lamaane ayaa la sheegay inay sidaas u sameeyeen si ay u helaan $1.5m (£1.17m) iyo kalsoonida hantideeda.

Ms Mack – oo 18 jir ahayd markii ay dilka geysatay ayaa afka qabatay hooyadeed halka Mr Schaefer uu madaxa kaga dhuftay quraarada khudrada lagu rido oo buuxda. Meydka ayaa markii dambe la helay isagaoo ku jira shandad.

Mack ayaa markii hore sheegtay in aanay dambiile ahayn, ayaa markii danbe is beddeshay markii ay heshiis “wanaagsan” ay u soo bandhigeen dacwad oogayaasha, kuwaas oo markii hore dalbaday xukun dheer.

Inta lagu guda jiro xukunkeeda, Wiese-Mack walaalkiis Bill Wiese ayaa weydiistay maxkamadda inay soo rogaan ciqaabta ugu badan ee suurtogalka ah, isaga oo ku dooday in Mack aanay muujin in ay ka qoomameynayso dembiga. Mr Schaefer, oo sidoo kale isna Maraykanka, ayaa weli ku xidhan Indonesia.