Norway: Shir lagu Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0
129

Oslo (Dawan)- Jaaliyada reer Somaliland ee dhaqan dalka Norway ayaa taageero mug iyo miisaan leh la garab istaagay heshiiskii is-af garad ee dhex maray dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway, ayaa waxa ka soo qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi Norway Maxamed Aadan, Madaxda xisbiyada siyaasadda qaranka, ururada siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Norway iyo dhammaan xubnaha Jaaliyadda ee ku dhaqan magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi Norway Maxamed Aadan ayaa ugu horrayn shirkaasi hadal ka jeediyay waxaanu sharaxaad ka bixiyay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba dalka Itoobiya, sidoo kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay shaqada ay qabato safaaradda Somaliland ee dalka Norway waxaanu yidhi “Shirkan aynu maanta fadhino ee ay isugu yimaadeen waxgaradkii iyo xubnihii Jaaliyadda reer Somaliland ee Norway, waxay muujinaysa taageerada aad u haysaan heshiiska dawladdeena Somaliland la gashay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Waxa kale oo ay muujinaysaa oo aan anigu ku faanayaa in Jaaliyadda reer Somaliland ee Norway ay yihiin dhega iyo indhaha safaaradda Somaliland ee Norway, rag badan baanu wada shaqaynay oo halkan fadhiya oo aanu waraaqo badan wada qornay oo aanu u wada tagnay madax badan oo reer Norway ah, markaa waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa qof kasta oo sidaa u fahma in safaaradeenu aanay ahayn safiir kaliya oo shandad la meeraysanaya ee ay tahay dan guud oo laga wada shaqaynayo.”

Sidoo kale xubin ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee Norway oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in taageero mug iyo miisaan leh lala garab istaago heshiiska aynu la galnay dawladda Itoobiya oo ah mid dalkeena iyo dadkeenaba muhiimad wayn u leh, waxaanu yidhi “Maanta waxa aynu halkan isugu nimi sidii aynu dawladdeena iyo dalkeena isu garabtaagi lahayn, isla markaana aynu uga midoobi lahayn weerarada badan ee la inagu soo qaaday, dadkeenana aynu u midayn lahayn meel kasta oo ay joogaan ba, in aynu dedaalno oo aynu isku xidhnaadhno meel kasta oo aynu joogno.”