Somaliland si Adag ayey uga soo Horjeedaa Faro-gelin kasta oo Dibadeed oo ka Dhan ah Iskaashigayaga Itoobiya”

0
162

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in ay si adag uga soo horjeedo   farogelin kasta oo dibadeed oo ka dhan ah is-fahamka iskaashi ee ay la saxeexatay dawladda Federaalka toobiya.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana lagu caddeeyay inay Somaliland sii wadayso cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika ee ay masaalixda wadaagaan.Waxaanu u qornaa sidan:-

 

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  oo ka warqabta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Masar, waxa aanu la soconaa walaaca ay Masar ka muujisay nabada Geeska Afrika. Waxa aanu dalalka qaarada Afrika oo dhan wadaagnaa masaalix guud oo ku wajahan  nabadda iyo cilaaqaad midho-dhal ah.

Haddaba, Annagoo ka duulayna horumarka dhawaan soo kordhay, waxaanu mar kale  ku celinaynaa inay Somaliand ka go’an tahay in xaaladaha ku soo kordhay gobolka Geeska Afrika lagu furdaamiyo wadahadal iyo iskaashi.

 

Hase yeeshee, Annagoo tixgelinayna heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu rabnaa inaanu mar kale bayaamino  inaanu si adag uga soo horjeedno faro-gelin kasta oo dibadeed.

Annagoo ah dal xor ah Jamhuuriyadda Somaliland waxay xushmaynaysaa dhammaan  heshiisyada diblomaasiyadeed ee ku dhisan nidaamka caalamiga ah. Waxaannu ku guubaabinaynaa dhammaan dhinacyada danaynaya arrimahani inay diirrada saaraan waxyaabaha nacfiga u leh nabadda mandaqada iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga.

 

Waxa kaloo aanu ku dhiirigelinaynaa Masar inay dib u qaabayso dedaalladeeda diblomaasiyadeed iyo qulqulatooyinka ka dhexeeya dalalka ay deriska yihiin ee ay kala ah; Suudaan, Liibiya, iyo Qasa oo la daalaa-dhacaya caqabado waaweyn oo aanu aaminsan nahay in Masar ay ka qaadan karto door weyn oo dhalin kara  nabad iyo xasilooni.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay sii wadaysaa wadahadallada cilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya dhammaan dalalka, si ay kor loogu qaado nabada iyo horumarka Geeska Afrika. Waxaanu rumaysan nahay in xoojinta iskaashigu uu si weyn u hagaajin doono nabadgelyada guud, kaasi oo horseedaya mustaqbal barwaaqo ah si ay uga faa’iidaystaan bulshooyinka isku xidhani.

Waxa aanu fahamsan nahay aragtida Masar ee nuxurka cilaaqaadka gobolka, iyadoo aanu qabno in dedaallada wadajirka ahi ay saamayn ku yeelan doonaan badhaadhaha gobolka.

 

Xukuumadda Somaliland waxay rajaynaysaa in la joogteeyo wada shaqeyn waxtar leh oo ku dhisan is ixtiraam, si loo horumariyo danaha guud ee dalalka mandaqadu wadaagaan.”