Kulliyad Tababar oo loo Dhagax Dhigay Ciidanka Socdaalka

0
113

Berbera (Dawan) Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Farax Xiirane ayaa  Dhagax Dhigay dhismaha Kuliyadda Tababarka ee Ciidanka Socdaalka JSL.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka Somaliland sarreeye guuto Maxamed Xuseen  Faarax ayaa sheegay in dhismahan ay dhagax dhigeen uu wax weyn ka tari doono    soo saarista ciidan socdaal oo tayo heer sare ah leh, waxaanu intaas ku daray in lagu  dhigan doono manhajka ciidamada socdaalka ee adduunka.

Geesta kale waxa uu xusay in Kuuliyadani ay tahay tii ugu horraysay eel aga hirgeliyo gudaha Somaliland, waxaa uu tilmaamay in ay tahay guul u soo hoyatay ciidanka laanta Somaliland, isla markaana ay qayb weyn ka qaadan doonto tababarada iyo kor u qaadista khibrada ciidamada laanta socdaalka JSL.

Waxaa Dhismahaas Kharashkiisa Ka Caawiyay Ciidanka Socdaalka Wadanka Mareykanka, waxaana fulinaya  Hay’adda IOM – UN Migration.