Wasiirka Beeraha oo la Kulmay Iskaashatada Xoolo-dhaqato Beeralayda Degmada Sallaxley

0
156

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Maxamed Habbane, ayaa kulan la qaatay xubnaha daladda iskaashooyinka xoolo dhaqato-beeraleyda ee degmada Sallaxley, oo ay weheliyaan Xoghayaha fulinta iyo xubno golaha deegaanka ka mid ah.

Xubnaha la kulmay wasiirka horumarinta beeraha waxa hoggaaminayey Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha u qaabilsan degmada Sallaxley Aaden Cabdiraxmaan, sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa  agaasimaha Wax soo-saarka ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Cabdirisaaq Gaboobe.

Mudadii kulankaani socday  ayaa lagaga wada hadlay dhanka Wax soo-saarka Beeraleyda degmada Sallaxley iyo caqabadaha haysta qaarkood iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasaaradda Beeraha, ayaa dedaal ugu jirta kor u qaadista Wax soo-saarka Beeraha dalka iyada oo wada dadaalo kor loogu qaadayo soo saarista dalagyo kala duwan.

Wasaaradda ayaa beeraleyda degmada Sallaxley ku boorisay inay xil iska saaraan kor u qaadista wax-soo-saarka iyo tacabka beeraha.

Geesta kale wasiirka, wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Beeraha  ayaa kormeeray xarunta guud ee La-dagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda

Wasiirka Beeraha Axmed Maxamed Habanne iyo madaxda kale wasaaradda  ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta la-dagaalanka Ayaxa oo ah ta ugu weyn Geeska Afrika isla-markaana ay yaallaan qalabka loo adeegsado la-dagaalanka Ayaxa, sida Gaadiidka ay ku shaqeeyaan hawl-wadeennada Waaxda badbaadada Beeraha, Sumaha lagu buufiyo Ayaxa iyo xasharaadka kale.

Kormeerka oo ahaa dardar-gelin iyo kormeeridda shaqada halkaas ka socota, ayaa Masuuliyiinta Wasaaraddu waxay xog-warran kaga dhegaysteen hawl-wadeennada Xaruntaas, kuwaasi oo ka warranay gudashada waajibaadkooda.