Hargeysa( Dawan):-Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) ayaa shalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiga Kulmiye ee degmooyinka Caasimadda Hargeysa.
Kulanka Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac la yeesheen Guddoomiyeyaasha Xisbiga Kulmiye ee degmooyinka Caasimadda Hargeysa ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa.
Qoraal lagu baahiyay barta Xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay in Kulanka la iskaga xogwaraystay hawlaha shaqo ee Xisbiga Kulmiye iyo sidii loo dardar gelin lahaa.
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Masuuliyiintan Xisbiga ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha Xisbiga ee degmooyinka Caasimadda in ay sii laban laabaan hawlaha Xisbiga ay u hayaan.