Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista u kala Diray Goboladda Dalka

0
64

Hargeysa(Dawan): – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo kulan la qaatay Gudida Wanaag farista iyo Xumaan Reebista Somaliland ayaa u kala Direy Gobolada Somaliland .

 

Waxaana Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland ay Gobolada Dalka kasoo samayn doonaan wacyi-gelin ku saabsan sidii bulshada Somaliland loogu wacy-gelin lahaa ku dhaqanka shareecada,illaalinta ammaanka iyo kor u qaadida wacyi-ga bulshada  si bulshadeenu uga baxdo dhibaatooyin badan oo haysta .

 

Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland la hadlay ayaa ugu horreyn uga mahad-naqay hawlaha shaqo ee ay hayaan,waxaanu ku dhiiri-geliyey in ay halkaa kasii wadaan.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa ayaa Gudida u sheegay in la joogo waqtigii ay Gudidu doorkeeda ka qaadan lahayd hawlaha shaqo ee Qaranka gaar ahaan kor u qaadida wacyiga Bulshada ee illaalinta  dhaqanka suuban , ku dhaqanka shareecada islaamka iyo Illaalinta ammaanka  si dhibaatooyin badan  oo bulshada haysta xalkooda loo helo .

 

Guddida Wanaag Farista ee Wasiirku u kala direy Gobolada dalka ayaa ah laba qaybood , qayb u safraysa Gobolada Bariga Somaliland oo safarkoodu noqon doono Gobolada Daad-madheedh,Togdheer ,Saraar iyo Sanaag iyo qayb u safraysa Gobolada Galbeedka Somaliland oo Safarkoodu noqon doono Gobolada Awda,Selel ,Gebilay iyo  Marood-Jeex .

 

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu Bulsho-weynta Gobolada Dalka ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan Gudida wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland isla Markaana ay bulshadu  ka Faa’idaystaan