Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo kulan la Qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hargeysa

0
75

Hargeysa( Dawan):-Xoghayaha  guud ee  Xisbiga KULMIYE Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) ayaa shalay  kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiga  Kulmiye ee  degmooyinka   Caasimadda Hargeysa.

Kulanka Xoghayaha  guud ee  Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Garabka Haweenka heer Qaran Marwo Sahra Saleebaan Cawil iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac la  yeesheen Guddoomiyeyaasha Xisbiga  Kulmiye ee  degmooyinka   Caasimadda Hargeysa  ayaa  ka  qabsoomay  xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye  ee Magaalada Hargeysa.

Qoraal lagu baahiyay barta Xisbiga Kulmiye ayaa  lagu sheegay  in  Kulanka  la iskaga xogwaraystay  hawlaha shaqo ee  Xisbiga Kulmiye iyo sidii  loo dardar gelin lahaa.

Sidoo  kale Xoghayaha  guud ee  Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Masuuliyiintan Xisbiga ayaa  kula  dardaarmay Guddoomiyeyaasha Xisbiga ee degmooyinka  Caasimadda  in ay sii laban laabaan hawlaha  Xisbiga ay u hayaan.